|

Gudoomiye Ku Xigeenka 3aad ee Xisbiga Ucid Mujaahid Cali Guray oo Nidar ku Maray in Gudoomiye Faysal Maxkamada ka dacwayn doono

Hargeysa 07.April 2016 (SDN/QJ):- Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf Cali Guray oo ah Gudoomiye Ku Xigeenka 3aad ee Xisbiga Ucid ayaa Sheegay in isaga Iyo Gudoomiye Faysal Cali Waraabe ay ku kala bixi doonaan Hay’adaha Garsoorka.

cali-gurayQoraal kooban oo Cali Guray soo dhigay barta uu ku leeyahay Shabakada Facebook ayaa u dhignaa Sidan “Gudoomiye Faysal haduu xeerka UCID ixtiraami waayo uu ku adkaysto inu xilka ka qaaday Gudoomiye ku xigeenkii UCID isaga oon xaq u lahayn waxa markaa qasab ah in aanu sharciga Somaliland oon maxkamadda geeyo anigu dacwad ku saabsan xilka qaadista ka dhanka Xeerka UCID.

Hadii go’aanka maxkamaddu noqdo wuu ka qaadi karaa albaabka ayaan ka bixi doonaa. Waxan kula talinayaa Gudoomiyaha inu go’aankiisa dib ugu noqdo isaga oo raacaya Xeerka Xisbiga.

Hadii uu ka noqon waayo markaa waa qasab in aan qaado talaabada keliya ee ii furan ee maxkamadda isaga ayaana igu qasbay

Comments are closed