|

Gudoomiye Ku Xigeenka 1aad ee Wakiilada oo ka hadlay asbaabaha ay u hortaagan yihiin Komiishanka Cusub

Hargaysa 28.Oct 2014 (SDN/QJ)- Guddoomiye-ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Wakiillada Somaliland Baashe Maxamed Faarax, ayaa ka hadlay khilaafka Golaha Wakiilladda labada garab ukala jabiyey, waxana uu sheegay in khaladku ka yimi dhinaca Guddoomiyaha.

baashe maxamed faaraxGuddoomiye Baashe Maxamed Faarax oo  saxaafadda la Hadlay, ayaa sheegay in Guddoomiye cirro si gaar ah wax uga Beddelay Wixii Goluhu ansixiyey oo ay isaga gaar ku tahay.

Mudane Baashe Maxamed Faarax, waxa uu tilmaamay in loo baahan yahay in wax sax ah looo Gudbiyo Golaha Guurtida,

“Sagaal qodob ayaa ka Beddelan xeerka Goluhu ansixiyey, waxa qudha ee Goluhu isku Haysaana waxa Weeye mar haddii Goluhu codeeyo qof jecel iyo qof neceb ba wixii Goluhu ansixiyey In Guurtida loo Gudbiyo, waxa kaliya ee Guddoomiye Cabdiraxmaan Laga Sugayaana waa inuu Wixii Golahaasi Gudbiyey waxna inaan lagu darin waxna Laga Dhimin.” Ayuu yidhi Baashe Maxamed Faarax.

Guddoomiye Baashe waxa uu sheegay inaanay jirin wax Cid ah oo dhinacooda taageersani, isagoo meesha ka saaray warar sheegaya in kooxdan iyo madaxtooyadu ay si gaar ah iskugu xidhan yihiin, waxana uu caddeeyey inaan wax shaqo ah Goluhu qaban doonin ilaa iyo khilaafka la suulinayo,

“komishanbaa la hortaagan yahay iyo Madaxtooyaa soo dhex gashay midna waxba kama jiraan, Komishankana lama diiddana laakiin waa in khilaafkii Golaha meel la isla dhigaa ilaa khilaafkaa Meel la dhigana Goluhu wax uu ansaxinayaa ma jiraan. Haddana fasax Buu Goluhu galay ilaa BIshan Siddedeeda inta ka horraysana wax shaqo ah lama qabanayo, Cid ka dhexdhexaadinkarta oo qof kale oo ka Hadli karaan ma jiraan.” Ayuu yidhi Guddoomiye Baashe, waxana uu intaas ku daray,“somaliland farogelin lagumma samaynayo xildhibaanada Yidhi AMISOM hannoo timaado iyo xasan sheikh hannagu soo duulo wax laga aqbalyo midna ma aha waana qarrandumis ninkii ku Hadla Somaliland halla keeno AMISOM raggii yidhina Goluhu tallaabo ayuu ka qaadi doonaa.”

Guddoomiye Baashe ayaa waxa uu maanta ka Hadlay Madal qado ahayd oo ay iskugu yimaadeen dhammaan Mudanayaasha dhinaca ka ah Guddoomiye Cirro, waxana uu si cad u sheegay in loo Baahan yahay in Mudanayaashu ay khilaafkooda meesha ka saaraan.

Hargaysa SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

 

Comments are closed