Gudoomiye Ku Xigeenka 1aad ee Golaha Wakiiladu Siduu Uga Hadlay Goosashada Xaabsade,iyo Shirka Saax dheer DAAWO
Hargaysa 12.Aug 2014 (SDN/QJ)- Gudoomiye ku Xigeenka 1aad eeĀ Golaha Wakiilada Somaliland Mudane Baashe Maxamed Faarax ayaa ka hadlay Isbedelka Siyaasadeed ee ku dhacay Axmed Cabdi Xaabsade oo ahaa La taliyaha Madaxweyne Siilaanyo ee arrimaha Doorashooyinka kaas oo u Goostay Dhinaca Magaalada Garowe kadib markii Sida uu Sheegay ay u Yeedheen Madaxweynaha iyo Ku Xigeenka Punt land .
Gudoomiye Baashe ayaa sheegay in Axmed Cabdi Xaabsade uu yahay Oday Somaliland ah balse Guri iyo Reerba ku leh Punt land Waxaanu intaas ku ladhay inaan Hal Siyaasi Amase Laba Boqol oo kale aanay Waxba ka badali karin qadiyada Somaliland.
Hargaysa SDN/QJ
contact@qurbejoog.com