Gudoomiye Ku Xigeenka 1aad ee Golaha Wakiiladda Mudane Baashe oo Shaaciyey inuu ka Baxay Isbahaysigiii Kulmiye DAAWO
Hargaysa 09.Jan 2016 (SDN/QJ):- Gudoomiye ku Xigeenka 1aad ee Golaha Wakiiladda Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Baashe Maxamed Faarax ayaa Daboolka ka qaaday Maanta inuu ka baxay Isbahaysigii Dimuquraadi doonka ahaa ee Xisbiga Kulmiye.
Gudoomiye Baashe Maxamed Faarax oo la socday Xubnaha Isbahaysigii qaadacay Natiijadii Shirkii Kulmiye ayaa iftiimiyey Sababaha uu uga baxay iyo Halka loogu soo hagaagayo hada kadib,Sidaana waxa uu sheegay mar uu maanta dalka dib ugu soo laabtay isagoo safar ugu Maqnaa dalka Jabuuti.