Gudoomiye Jawaari oo si cad uga soo horjeestay Magacaabida Golaha Cusub e Wasiirada Somalia,Kana Dalbaday Inuu Ka Noqdo Ka Hor inta aan Codka Loo qaadin (Akhriso)
Muqdisho 26. March 2017 (SDN/QJ):- Gudoomiyaha Baarlamanka Somalia Maxamed Cismaan Jawaari ayaa si cad uga hor yimid golaha cusub ee wasiirada dhowaan uu ku dhawaaqay raisul wasaare Kheyre.
Jawaari ayaa raisul wasaaraha u diray qoraal uu kaga dalbanayo inuu kaga laabto magacaabista golaha wasiirada ka hor inta aan la horgeynin baarlamanka si ay u ansixiyaan ama u diidaan.
Qoraalka hoose ee guddoonka baarlamanku u diray raisul wasaaraha waxaa la socda qoraal kale oo xildhibaano 105 gaaraya u direen gudoonka kaasoo ay sheegayaan in raisul wasaaraha uu hareer maray nidaamka awood qeybsiga beelaha ee 4.5