|

Gudoomiye Faysal Cali Waraabe Waa Geesi Runsheeg Ah ,Oon Munaafuq Ahayn

Ugu  horeyn  waxan  salaamayaa  dhamaanba  bahda  saxaafada, xorta  ah een  had  iyo  jeerba  xidhiidhka  la  sameeyo.

“Ascww”  Salaam  ka  dib  habeen  hore  ama  shaley  ayaa  waxaan  daawadey  wareysi lala  yeeshey  gudoomiyiha  xisbiga  Ucid  Md  faysal cali  waraabe, runtii  wareysigaasi  waxa  uu  faysal  cali  waraabe  kaga hadley  waxyaabo  badan  oo  run  ah,  faysalna  waa  nin  runta  sheega  oo  haya  wadadiid  toosneyd ee  diinta  islaamku  ina  fartey, ee  aheyd  in  xaqa  lagu  adimo oon  la  qarin.

Hadaba  waxaan  hambalyeynayaa  gudoomiye  faysal  cali  waraabe  oo noqdey  muwaadinka  kaliya  ee  ka  damqadey  dhibaatada  ay  dalka  ku  hayaan  kooxda  siilaanyo  madaxda  u  yahey, ee  gabi ahaanba  boobey  hantidii  ummada  masaakiinta  ah  sida xooga  ah  looga  qaado  ,balse  ay  rag  aad  moodo  ceydh  ama  dad  gaajeysan  oo  wasiiro  sheegtaa  ay  jeebadaha  ka  buuxsadeen,  sida wasiirka  maaliyada c/casiis  samaale,  wasiirka  madaxtooyada, xirsi  gaab,  iyo  wasiirka  duulista iyo  hawada  mr Usaama.

Waana  wax  laga  xumaadaa  in  Odaygii  90 jirka  ahaa  ee  ummadu  doortaye  uu  maanta  dalkii  iyo  dadkiiba  ka  dhigo  meel  bilaa  karaamo  ah  oo ,qabyaalad  iyo  daneyste  isgu  tageeen, oo  shaadhkii  qaranimada  lagu  badaley  mid  beel  beel  ah.

Bal  eega  Tv-ga  ay  reero  kaliya  ku  urureen,  ee  lagu  sheego  Tv  -qaranka,  bal  eega  wasiiradan   qaabqabyaaladeysan  dalka  hantdiisa  u  boobaya  een  la isbaweydiineyn!

Hadaba   gudoomiye  faysal  cali  waraabe  waa  nin  geesi  ah  oo  runta  sheegay, waxanu  mudanyahey  in  shacabka  somaliland  aad  u  taageeraan, waxanan  filayaa  in  faysal  iyo  xisbiga  ucid  ay  maanta  codka  shacabka  cidlo  ka  heli  doonan  sababtoo  ah  dalka  somaliland  kuma  sii  jiri  karo  nidaam  qabyaaladeysan  oo  waliba  hanti  boob  ku  jira.

Hadalka  faysal  waxaa  ka  xumaadey  kuwii  munaafuqiinta  ahaa  ee  ay  diinta  alleh  ku  yareyd  ee  beenta  iyo  xanata  ku  noolaa  ee  jaahiliinta  ahaa  , ee  amaanta  beenta  ah  gidaarada  la  taagnaa,  waxanan  leeyahey  faysal  cali  waraabe  maanta  waxa  uu  noqday  xidig ifaysa  oo  somaliland  u  soo  baxday  shacabkuna  isagey  taageerayaan  nin  ka  naxa  iyo  mid  ku  farxaba , waxaan leeyahey  noolow  faysalow  cimrigaa  ha  jiro.

WQ: Tahir hussein (xumandiid)

Comments are closed