|

Gudoomiye Faysal Cali Waraabe oo Sida Fiinta Uga Qaylyay Muuqaal Daawashadiisa Lagu soo Bandhigay Maxkamada Sare DAAWO

dabaalllHargaysa 24.Sep 2016 (SDN/QJ):-Faysal Cali Waraabe ayaa sida fiinta uga qayliyay Maxkamadda Sare dhexdeeda, kaddib markii Qareenada Garabka Jamaal dalbadeen in loo ogolaado inay soo bandhigaan Muuqaalo Video ah oo cadayn u ah Heshiisyadii Labada Garab iyo doorashadii Musharax Jamaal cali Xuseen ee golaha dhexe Xisbiga UCID oo Faysal Farta u taagayo Musharraxnimadiisan uu hadda dafirsan yahay, markii dhawaaqasi kasoo baxay Looyarada jamaal waxa uu qaylo afka furtay Faysal cali waraabe oo ku dhawaaqay inaan maxkamada muuqaalka la keenin, oo uu qirsan yahay musharaxnimada Jamaal Cali Xuseen inay tahay sax, isla markaana uu doortay isaga laftiisu gacanta u taagay.

Comments are closed