Gudoomiye Faysal Cali Waraabe oo Ka Hor Yimid Go’aankii Gudida Diiwaangelinta,Shir Garabkiisu Gaar u qabsanayo Iyo FalCelinta Cali Guray DAAWO
Hargaysa, 28 July, 2016-(SDN/QJ):– Gudoomiye ku xigeenka saddexaad ee cusub ee dhawaan gudoomiye Faysal Cali Waraabe ugu Magacaabay inuu Si Ku Meel gaadh ah u hayo Jagada Gudoomiye Ku Xigeenka 3aad ee Xisbigaas Maxamed Cali Muuse (Jiir) ayaa ka hadlay halka uu salka ku hayo khilaafka ka dhex taagan xisbiga UCID.
Dhinaca Kale Cali Guray ayaa Ka Falceliyey Dhaqdhaqaaqyada Gudoomiye Faysal Cali Waraabe Isagoo Suureeyay Dhaxalka uu Aakhirka ku Danbayn Doono.
Cali Guray oo Qoraal Kooban arrintan kaga Hadlay ayaa Yidhi ”Waar maxaa haysta kii Ina Cali Waraabe! Go’aankii Gudida Diiwaangelinta liqi kariwaa oo ma ogolaan runta hortiisa timi. Tufi kari waa oo kuma dhaco inu rafcaan ka qaato.
Sidii maskii qoratada qabsaday ha qaniinsanaaduun. Wakhtiguna wuu is gurayaa hadba xaajo gododliyo gedna wuu la soo baxayaa. Halkuu raadka dhigana waa la raad gurayaa oo raacdaa ku daba joogta.
Maalinta sabtida hadii Gudidii Qabanqabadu fadhigeedii ugu horeeyay yeelan kari oo isagu badhi furo waxa xiga my fellow up letter hadana waxa xigi digniin horaadii(early warning).
Waxa xigi hadana go’aan aanu jeclaysan doonin waayo dee dhiniciisii heshiiska qof uun buu ka noqon intii badnayd waa diyaar heeganna way u yihiin inay hormood ka noqdaan Badbaafinta Xisbiga UCID. Yaa u diidaya inay go’aankooda qaataan oo shan xubnood oo iyaga ah soo magacaabaan? Oo maxaa anagana nin aan u jeedin badbaadinta UCID nagu qasbaya in aanu keligii u dabranaano.
Labadii dhinacba saw naga dhan ma qof baa keligii loo dabranaan? Maya anagoo wadajirna ayaanu hadii Alleh yidhaa Shirwaynihii qaban isaga oo indhihiisu shan yihiin. Gudoomiye UCID-dii hore ah iyo labadiisii Gudoomiye xigeen 1aad iyo 2aad ahna waanu dooran oo hogaan cusub noo noqon.
Ka 3aad hadhka u dhac maaha ilayn intii hore isaga ayaa 1&2&3aadba ahaaye. Musharixiintii madaxtooyada oo cid ka daba jaaqlaynaysaa jirin waanu barixi. Markaa Faysal isaga ayay u taal ama rafcaan ha qaato oo ta aan jecelahay ah ama khaayinimo dambe shaqayn mayso eh ha ka soo baxo god mulaca