Gudoomiye Cirro oo Sheegay inaanu Filayn in Xukuumadda Siilaanyo Hanti Qaran lagu soo gaadhi karo iyo ujeeddada lagu lammaaeeyey Safar Madaxweynuhu ku joogo Berbera
Hargaysa 22.Nov 2015 (SDN/QJ):- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI ahna Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa markii u horreysay shaaca ka qaaday inaanu filaynin in Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ee Xisbiga KULMIYE lagu soo gaadhi karo wax Hanti Qaran ah, wakhti Madaxweynuhu ku sugan yahay Berbera oo la sheegay inuu u tegay wareejinta Maamulka iyo gacan-ku-haynta Dekedda Berbera, iyada oo bishii hore la wareejiyey Maamulka iyo gacan-ku-haynta Haamaha Kaydka Shidaalka ee magaaladaas.
Waxa uu Guddoomiye Cabdiraxmaan-Cirro sheegay in marka ay Xukunka yimaaddaan ay dib u eegayaan Hantida Qaranka ee ay iibiyeen Xukuumadda Madaxweyne Axmed-Siilaanyo iyo Xukuumaddii ka horreysay ee Daahir Rayaale. Waxaanu sheegay in Xukuumaddii Rayaale aanay wax badan iibin, balse Xukuumadda Siilaanyo inta badan Hantidii Qaranka meel-marisay.
Md. Cabdiraxmaan-Cirro oo Xaflad uu ka qayb-galay Guddoomiye Cirro uu Muwaaddin reer Somaliland ahi ku weydiiyey waxa uga meel-yaala Hantida Ummadda ee Xukuumadaha Rayaale iyo Siilaanyo kala hoggaaminayeen sifaha aan sharciga ahayn u iibiyeen, ayaa sheegay in dhammaan Hantida Ummadda ee Xukuumadda Siilaanyo iyo tii Rayaale iibiyeen dib loo eegayo haddii sharci loo maray iyo haddii kaleba.
Guddoomiye Cirro oo arrimahaa ka hadlaya, kana jawaabaya su’aasha la weydiiyey waxa uu yidhi; “Dawladdii Rayaale way bilowday uun (iibka hantida Qaranka), laakiin waxay iibisay wuu yaraa oo guryihii ay iibisay faro ku tiris bay ahaayeen, waxaana ugu qaylo badnaa wakhtigaa KULMIYE oo lahaa hantidii Qarankaa la iibiyey.”
Guddoomiye Cirro, waxa uu sheegay inaanu u maleynayn in WADDANI uu Hanti Qaran ku gaadheyn Xukuumadda Siilaanyo, “U maleyn maayo in wax lagu soo gaadhayo ee waxa annaga qorshahayaga ku jirta in wixii aanu ku soo gaadhno KULMIYE in aan la iibin, wixii Xalaal ku baxay iyo wixii aan ku bixinna dib baanu u eegi doonaa.” ayuu yidhi Cirro.
Hadalka Guddoomiye Cirro ayaa ku soo beegmaya xilli ay soo baxayaan warar sheegaya in Madaxwaynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo Afhayeenkiisu sheegay inuu booqasho gaar ah u tegay Berbera, haddana ay wararkaasi sheegayaan inuu magaalada Berbera u joogo Wareejinta Dekedda Berbera oo hore loo ogaa inay ku tartamayaan Shirkado Caalamiya oo ay ka mid tahay Bolore iyo Shirkad kale oo laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta.
Inkasta oo Maareeyaha Dekedda Berbera Eng. Cali Cumar Maxamed (Xoor-xoor) oo habeen hore la hadlay Saxaafadda uu beeniyey warkaas, haddana waxaa Berbera oo uu Madaxweynaha iyo Xubno socodkiisa ku weheliyaan ku sugan yihiin iyaguna jooga Wefti ka socda Imaaraadka Carabta oo uu hoggaaminayo Wakiilka Somaliland u fadhiya magaalada Dubai Baashe Cawil, ay hawshaas Maal-gelinta iyo Maamul-la-wareegidda Dekedda Berbera u joogaan magaaladaas. Waxaanay Socdaalladan Weftiga Imaaraadka iyo Madaxweyne Siilaanyo ku soo beegmeen wakhti bishii hore la wareejiyey Maamulka iyo gacan-ku-haynta Haamaha Kaydka Shidaalka Qaranka ee Berbera oo ay Golaha Wakiilladu laaleen sharcinnimada heshiiska lagu wareejinayo, balse ay Xukuumaddu si toosa u wareejisay, iyadoo sheegtay inay muddo labaatan sano ah ka kiraysay Shirkado Waddani ah oo kuwa Shidaalka dalka keena u badan.