|

Gudoomiye Cirro oo Qaadacay oggolaanshaha Wakhti ka duwan kii hore Heshiiska loogu ahaa ee Qabsoomida doorashada iyo Dareenka Gudoomiye Faysal ee Mudo Kordhinta Cusub DAAWO

Hargeysa May,09,2015(SDN/QJ)-Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ee Waddani Cabdiraxman Maxmaed Cabdilaahi Cirro ayaa Sheegay in aanay ka Xisbi ahaan Aqbaleyn Mudada Sannadka Shanta Billood iyo Shan iyo Tobanka Cisho ee Gollaha Guurtidu ku Dareen Sannadkii hore ee Komishanku ay kordhiyeen.

waxaanu Sheegay in Xisbiga Waddani uu Aqbaleyn Muddo ka baddan tii Komishanku Kordhiyey, Sidaasi waxa uu ku sheegay Shirjaraa’id oo uu ku qabtay Xafiiskiisa, ka dib markii Gollaha Guurtidu sheegtay in Saddexda Xisbi ay ku heshiyeen in Shan Billood oo dheerad ah lagu darroo sanadkii hore.

Guddoomiye Cirro waxa uu Tilmaamay in Xisbiga Waddani uu Diyaar u yahay in doorashada uu gallo Bisha Junne 1 2016-ka.

Comments are closed