Gudoomiye Cirro oo Martiqaad ka Helay Dhigiisa Baarlamanka Itoobiya iyo Ujeedada Casuumaada
Hargaysa 05.Dec 2013 (SDN)- Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliland islamarkaana, ah Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Wadani C/raxmaan Maxamed C/laahi (ciro) ayaa martiqaad rasmi ah ka helay dhigiisa dalka Itoobiya Gudoomiyaha Golaha Baarlamaanka Faderaalka Iyoobiya Mr Kassa Takiebrahan, isagoo ku martiqaadey munaasibada Maalinta Qowmiyadaha dalka Itoobiya.
Munaasibadan oo ah mid balaadhan islamarkaana, uu kasoo qeyb gali doono Raysalwasaaraha Dalka Itoobiya iyo marti sharaf kale oo laga casuumay dalalka Afrika waxa uu noqonayaa Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliland masuulka kaliya ee Somaliland sida gaarka ah loogu soo martiqaadey munaasibadan.
Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Wadani ahna Ra,iisal Baarlmaanka Somaliland C/raxmaan Maxamed C/laahi(ciro), waxa uu munaasibadan ka qeyb galayaa markii sadexaad ee nooceeda ah isagoo hore ugaga soo qeyb galey Munaasiabada Maalinta Qowmiyadaha dalka Itoobiya kililada Oromia, Tegree, iyo Axmaara, iyo waliba Ismaamulka Diridawa oo iyadana mar lagu qabtey, iyadoo xiligana lagu qabanayo Magaalada Jigjiga ee Xarunta Kiilka Shanaad ee Dowlad Deegaanka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya.
Gudoomiyaha Xisbiga Wadani ayaa lagu wadaa in uu maalinta jimacaha bari ah dalka uga amababixi doono dhinaca dalka itoobiya isagoo martiqaadkan ka helay dhigiisa dalka Itoobiya ee Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka dalka Itoobiya Mr Kassa Takiebraha, oo ay saaxiib aad u dhow yihiin Gudoomiye Ciro islamarkaana, kusoo casuuma Sanad walba marka munaasibadan Maalinta qowmiyadaha dalka toobiya la xusayo, iyadoo munaasibadani ku began sideeda bishan December.

Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com