Gudoomiye Cirro Oo Ka Soo Horjeedsaday Xeerka Baananka Ganacsiga Ee Ku Jira Ajandaha Kalfadhiga 33-aad Ee Golihiisa Wakiillada
Hargaysa 13. March 2017 (SDN/QJ):- Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland ahna Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa ka hadlay xeerka Baananka Ganacsiga ee maalmahii ugu dabeeyey horyaalay aqalka Golaha Wakiilada Somaliland, waxaana uu sheegay in xeerkaasi uu Golaha horyaalay illaa wakhtigii Xukuumaddii Rayaale, isla-markaana marnaba ansaxin doonin xeer lid ku ah shareecada Islaamka iyo weli ba dastuurka Somaliland.
Guddoomiyuhu wuxuu Xukuumadda Somaliland ku eedeeyey inay mar kale xeerkaas Baananka Ganacsiga horkeentay Golaha Wakiilada, balse uu ka codsanaayo in ay Golaha ka dulqaadaan culeyska xeerkaasi.
Guddoomiyaha oo Arrimahaa uga warramay Telefiishanka HCTV, ayaa yidhi, “Xeerkaa wakhtigii Madaxweyne Ra’yaale, ayaa la keenay Golaha Wakiilada, muddadaas ku dhow tobanka sanno na wuu yaalay, mar walba na waxa la doonayey in la waafajiyo shareecada iyo dastuurka se shacabka Somaliland waxa aan u sheegaynaa in Golaha Wakiilada Somaliland aanu hore u ansaxinin, maanta na ma ansaxinayo wax shareecada iyo dastuurka ba ka soo horjeeda, waxaana loo baahan yahay haddii wax ku jiraan in meesha laga saaro. Xeerka na Xukuumaddaa keentay, laakiin waxaanu leenahay ha laga dulqaado Golaha..” Ayuu yidhi Cabdiraxmaan Cirro
Guddoomiyaha WADDANI waxa kale oo uu ka hadlay Marti-qaad uu ka helay guriga arrimaha siyaasadda lagu falan-qeeyo ee la yidhaahdo Chatham House (The Royal Institute o International Affairs) oo ku yaalla magaalada London, “Waxa aan marti-qaad rasmi ah ka helay oo inta badana lagu martiqaadi siyaasiyiinta iyo madaxda dawladaha, arrinta aan ka hadli doono ee ugu muhiimsani waa arrinta Somaliland iyo geedi socodka dimuqraadiyadda, gaar ahaan arrimaha Doorashooyinka iyo abaaraha. Markaa Aniga wax shakhsi ah oo weyn in aanay ii noqonin baa laga yaabaa se magaca Somaliland baan ku socdaa oon ku metelayaa, waxaana aan is lee yahay Somaliland magac bay u tahay in mid ka mid ah caruurteedu uu ka qeyb-galo doodaha halkaas lagu qabto, waxa laga ga hadlayaana ay Somaliland tahay, markaa waxa ay ila tahay guud ahaan magac iyo maamuus bay u tahay Somaliland.”.