Gudoomiye Cirro Oo Ka Hadlay Go,aanka Ay Ka Sugayaan Maxkamada Sare, Xaalada Gobolka Buuhoodle Iyo Dilalka Shacabka Iyo Ciidanka
Hargeysa,17Aug,2015(QJ/SDN)-Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ahna gudoomiyaha golaha wakiilada somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi ayaa ka hadlay xaalada siyaasadeed ee dalka.
Gudoomiye cirro oo warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa golaha wakiilada ayaa waxa uu ka hadlay dilalka soo noq noqonaya ee ka dhex dhacaya ciidanka, dilalalka shacabka, xaalada gobolka Buuhoodle iyo go,aanka ay ka sugayaan maxkamada sare ee la xidhidha muranka doorashooyinka.
Ugu horayn gudoomiye Cirro oo ka hadlaya dilalka soo noq noqonaya ee ciidanka iyo dilalka shacabka ayaa waxa uu xukuumada ugu baaqay inay baadhis ku samayso sababta keenaysa dilalkan waxaanu yidhi “Somaliland dhawr sifo oo caalamku ugu soo jeedsaday ayaa jiray waxaana ka mid ah nabad galyada, dimuqraadiyada, saxaafada xorta ah iyo dhawrista xuquuqda bina aadanka, baryahan danbe
waxa soo kordhay arimo laga murugoodo oo ay ka mid tahay inay badatay dilalka ka dhex dhacay ciidanka ee saraakiisha iyo saraakiil xigeenada arintaasina waxay u baahan tahay in si xaqiiqo ah loo raadiyo oo la baadho sababta keenaysa inay soo noq noqoto,dilku kumuu koobnaan ciidanka oo kaliya shacabka ayuu gaadhay waxaana ugu naxdin badnaa nin maxbuus oo xidhan oo jeelka ku jir in la toogto hadu baxsanayay waxbay ahaan lahayd laakiin taasi waxay ku tusaysaa masuuliyadu heerka ay gaadhsiisn tahay, waxaanan xukuumada si adag ugu soo jeedinaynaa in arintaas la baadho oo la so oaf jaro gafafka shacabkana waa in la yareeyo.”
Sidoo kale gudoomiye Ciro waxa uu ka hadlay xaalada gobolka Buuhoodle isaga oo sheegay inay muhiim tahay in la dhagaysto shacabka ka soo jeeda gobolkaasi waxaanu yidhi “Shacabka reer Buuhoodle waa shacab ka tirsan somaliland, Buuhoodle-na gobolada somaliland ayey ka mid tahay shacabka ilaahay ayaa is baday waa ehel waana isku dal waxaanan u soo jeedinaynaa cida kale ee fara galinta ku haysa inay fara gelinta kala baxaan, shacabkana waxaan u soo jeedinaynaa in nabada laga wada shaqeeyo oo nabadu shacabka ayey dan u tahay, maamul kale oo somaliland aan ahayn oo ka jiri karaa ma jiro, waxaanan doonaynaa in wixii ay shacabkaasi tirsanayaan la eego oo la tix geliyo lagana fikiro loona garaabo.”
Sidoo kale gudoomiye Cirro waxa uu ka hadlay go,aanka ay ka sugayaan maxkamada sare ee somaliland kaas oo la xidhiidha muranka ka taagan arimaha doorashooyinka, waxaanu tilmaamay inaanay suura gal ahayn in la qaato go,aankii guurtida waxanu yidhi “Horta la yaab ayey tahay oo haddi la gar naqo in la yidhaahdo tii aan anigu idhi ayaa la qaadanayaa meesha kuma jirto, anagu go’aanka maxkamada waanu ixtiraamaynaa iyada ayaana u madax banaan wixii ay soo saarayso mana odhan karno kii guurtida ayey soo saaraysaa laakiin go,aanku waa ka la sugayo waxaanay ku haboon tahay in go,aankaas la sugo haddii go,aankii guurtida la daynayo koodii ayaa layska dayn lahaa ayey ila tahay,laakiin waanu sugaynaa go,aanka maxkamada maadaama ay tahay halkii ugu danbaysay ee umadu ku gar naqsanaysay.”
Ugu danbayntiina gudoomiye Cirro waxa uu fariin u diray guud ahaan shacabka somaliland waxaanu yidhi “Shacabka reer somaliland dhawaaqa aanu u diraynaa waxa weeyaan waxa soo afjarmi doona wakhtigii doorashada ee aan la garanayn waxaana la heli doonaa wakhti doorasho oo sugan kaas oo soo afjari doona daba furnaanta doorashada sidaas darteed waa in loo diyaar garoobo diwaan gelinta iyo doorashadii.”ayuu yidhi gudoomiye Cirro