Gudoomiye Cirro oo Hargaysa Ku soo Laabtay Kana Warbixiyey Safarkiisii Itoobiya Iyo Booqashada X.Cabdi Waraabe oo Xannuunsanaya DAAWO
Hargaysa 16.Dec 2015 (SDN/QJ):- Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda ahna Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Mudane C.raxmaan Maxamed C.laahi Cirro ayaa dalka dib ugu soo laabtay kadib markii uu dalka Itoobiya kaga qayb galay Xuska Maalinta qoomiyadaha Itoobiya Isla markaana ka hadlay Waxyaabihii ay isla soo qaadeen Madaxdii ay Kulamada ku Yeesheen Itoobiya oo ay ku Jiraan Safaarado reer Galbeed.
Sidoo kale Wuxuu Booqasho ugu Tegay Xaaji Cabdi Kariin Xuseen “Cabdi Waraabe” oo ku Xannuunsanaya Magaalada Hargaysa.