Gudoomiye Cirro oo Dublamaasiyadii Kaga Dheereeyay Xukuumadda,Beesha Caalamkana Gaadhsiiyey Abaaraha Ka Taagan Gobolada Somaliland Xili Kulmiye Olole Siyaasadeed Ku Hawlan Yahay DAAWO
Nairobi 17. December 2016 (SDN/QJ):-Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland ahna Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga WADDANI Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), oo maalmahii ugu dambeysay isaga iyo wefti uu hoggaaminaayo oo ka tirsan Xisbiga WADDANI ay socdaal ku joogeen magaalada Nayroobi ee dalka Kenya, ayaa faah faahin ka bixiyey waxyaabaha ay ka wada-hadleen kulamo gooni gooni ah oo ay la qaateen safiirada safaaradaha dalalka Faransiiska, Ingiriiska, Denmark, Midowga Yurub, Jarmalka iyo weli ba sida oo kale urur-goballeedka IGAD, waxa kale oo uu si adag uu jawaabo kulul uga bixiyey hadalo ka soo yeeshay guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi oo dhaliilay safarka ay ku joogaan magaalada Nayroobi ee dalka Kenya.
Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), oo warbaahinta kula hadlaayey magaalada Nayroobi ee dalka Kenya, ayaa ugu horreyn waxa uu faah faahin ka bixiyey ujeedka kulamaddii ay magaalada Nayroobi kula soo yeesheen safaaradaha ku yaala dalkaasi Kenya, waxaana uu carabka ku dhuftay in ay intii ay kulamada la qaadanaayeen madaxda iyo safiirada wadamada Faransiiska, Ingiriiska, Denmark, Midowga Yurub, Jarmalka iyo weli ba sida oo kale urur-goballeedka IGAD ee magaalada Nayroobi ay kala hadleen abaaraha ku habsaday ee ka taagan Somaliland iyo weli ba sida oo kale xoolaha la joojiyey ee saameynta ku yeeshay dhaqaalaha Somaliland oo uu sheegay in ay u arkayaan dhibbaayinka ugu waaweyn ee maanta qaranta haysta.
“Sida aad la wada socotaan, waxa halkan(Nayroobi) jooga wefti ballaadhan oo ka socda Xisbiga WADDANI, wuxu ku sugan yahay dalka Kenya, waxa uu u yimi hawlaha qaranka iyo waajibaadka saaran ba in uu guto, waxaana ay halkan kula kulmeen safaarado badan oo ay ugu horreyso safaaradda Midowga Yurub ee EU-da, Safaaradda Denmark, Safaaradda Ingiriiska, safaaradda Faransiiska, Safaaradda Jarmalka iyo ururka ka dhaxeeya Afrikada Bari ee la dagaalanka abaaraha ee IGAD, waxyaabaha ugu muhiimsan ee Xisbigu uu diblomaasiyiintaas iyo mas’uuliyiintaas ba kala hadlaayey waxa ugu muhiimsanaa abaaraha ku habsaday shacbiga reer Somaliland oo aanu dareemayno in arrintaasi ay dhibbaato weyn ku hayso shacabka. Waxa aanu dareemaynaa in Xukuumadda iyo Xisbi Xaakimkeeda intu ba in ay ka gaabiyeen fariimahii ay gaadhsiin lahaayeen beesha caalamka, gaar ahaan in loo soo gurmado Somaliland.”. Ayuu yidhi Dr.Cabdiraxmaan Cirro
Murashaxa Xisbiga WADDANI oo sida oo kale hadalkiisa sii wata, ayaa waxa uu sheegay in qof kasta oo reer Somaliladn ah ay ku waajib tahay in tallaabo kasta oo looggu gurmanaayo dadka abaarahu saameeyeen iyo fursado kasto oo lagu maaraynaayo xoolaha la joojiyey ba uu sameeyo, isla mar ahaantaana ay iyaga ka mas’uuliyiin ahaan ay qabeen sida oo kale na uu dhibbaayey dareenkaas naxdinta badan ee ku habsaday shacabka Somaliland, waxaana uu yidhi:
“Hada ba anaga oo gudanayna waajibkaas, waxa aanu aad iyo aad uga hadalnay abaaraha Somaliland oo aanu gaadhsiinay fariin adag dhammaan wadamada iyo safaaradahii aanu la kulanay ba, waxa kale oo aanu kala hadalnay arrinta naxdinta badan ee xidhitaanka Xoolaha Nool ee Somaliland u ah halbowlaha iyo laf dhabarta dhaqaale ba. Waxaana aanu qabnaa in ay waajib ku tahay qof kasta oo muwaadin ah marka aad iska ba dayso Xisbi iyo mas’uuliyiinta kale ee qaranka ba. Xisbiga WADDANI isaga oo la damqanaaya shacabkiisa, waxa uu arrimahaas uu kala hadlay dalalka aan soo sheegnay. Aniga oo ah guddoomiyaha Baarlamaanka Somaliland iyo Murashax Xisbi oo u ordaaya Madaxtinimada dalka iyo dhammaan ba mas’uuliyiinta miisaanka culus ee ay ka mid yihiin hoggaamiyaha Xisbiga, ay ka mid yihiin Ambassador Maxamed Xaaji Cali Cabdi, Maxamed Biixi Yoonis, Cabdirisaaq Khaliif,Dr.Maxamed Cismaan Fadal, Ismaaciil Buubaa, Safiir Safiina iyo weli ba Muniir Axmed Cigaal oo ka mid ah xubnaha weftiga intu ba, waxa ay ka qeyb-galeen kulamadaas soo sheegay.”.
Murashaxa Madaxweynaha WADDANI Dr.Cirro, ayaa sida oo kale jawaabo adag ka bixiyey hadal ka soo yeedhay guddoomiyaha KULMIYE oo hore u dhalliilay safarka ay ugu maqnaayeen magaalada Nayroobi, waxaana uu sheegay in Muuse Biixi uu ilaabay in dalka ay ka jirto xaalad abaareed oo adag sida oo kale na ay la joojiyey xoolahii ay dhaqaalaha yari ka soo gali jiray shacabka Somaliland, sida oo kale na uu taa bedelkeeda habeen iyo maalin ba u foogan yahay kala qeybinta bulshada iyo in uu kolba gobal ka bilaabo olole siyaasaddeed iyo qeybinta calamaanta Xisbiga KULMIYE xilli ay dadkii u qudh baxayaan haraad iyo hunto la’aan.
“Waxa la yaable in mas’uuliyiinta KULMIYE iyaga oo intaas oo abaarood ba ay jiraan, ay hada na labbaatankii cisho ee u dambeeyey ama bishii ugu dambeysay ku mashquulsanaayeen olole siyaasaddeed, waxa aad ka warqabtaan safaraddii ay ugu baxeen bariga. Maxay samaynaayeen?. Waxa ay sameynaayeen, meel kasta calan bay is hor wadeen isaga oo shacabku uu haraad u dhimanaayo. Waxaana arrin aad loo la sii yaabo ah in ay ku gabbanayeen wixii yaraa ee laga uruuriyey shacabka Somaliland ee ay gacanta ku haysay guddida abaarahu oo ay ku gabbanayeen oo ay gabbood ka dhiganayeen oo ka dhiggaayey wax shacbiga uu KULMIYE u keenay. Arrintaas arrin runtii shacabka Somaliland murugo badan galisay bay u eekayd, waxaana la yaable in Muuse Biixi oo ah guddoomiyaha KULMIYE oo la ogaa wixii uu sameynaayey ee uu lahaa ay ugu dambeysay tii uu Burco ka lahaa ee uu shacabka ku kala qeybinaayey iyaga oo abaaro ku jiraan ee ay ololaha cad ahayd oo weli ba na uu maanta goballada Galbeedka ka bilaabay in uu olole ugu baxo, waxaana ay u eeg tahay in XIsbiga KULMIYE iyo mas’uuliyiintiisu in aanay wax dareen ah ka lahayn laakiin se Xisbiga WADDANI iyo mas’uuliyiintiisu waa ay ka damqadeen arrintaas waana sababta ay u joogaan magaalada Nayroobi oo ay damaqday sida oo kale garteen in ay buuxiyaan kaalintii bannaanayd ee Xisbi Xaakimku uu buuxin lahaa.”.Ayuu yidhi Dr.Cirro
Waxa kale oo uu Cirro, dhalliilay siddii uu u qabsoomay shirkii golaha Dhaxe ee KULMIYE isaga oo sheegay in Muuse Biixi aanu weligii si xor ah u tartamin isla mar ahaantaana laga reebay raggii kula tartami lahaa Xisbiga KULMIYE dhexdiisa.
“Murashaxa KULMIYE Muuse Biixi, erayada aan ka maqlaayey, waxa ka mid ahaa in isaga iyo Cabdicasiis ay wada tartameen, markaa bal saxaafaddu ha soo saarto halka ay Cabdicasiis iyo Muuse ay ku wada tartameen. Markii uu guddoomiyaha ku tartamaayey, waxa uu yidhi Cabdicasiis ha la iga reebo, oo inta odeyaal u yimaadeen ayaa gadhka la qabtay oo la yidhi uga hadh. Muuse weligii ba muu tartamin sida la sheegay, raggii la tartami lahaana waa kuwa maanta jooga WADDANI ee uu ugu horreeyo Maxamed Biixi Yoonis. Xisbigaa dhexdiisa nin kasta oo kale oo kula tartami lahaana odeygaa Axmed Siilaanyo ayuu ku yidhi ha la iga reebo. marka uu intaas dhammeeyey Jamaal ha la iga reebo ayuu maraayey markii ugu dambaysay, Jamaal na waa laga reebay oo siddii lagu reebay waa aynu wada-garanaynaa in saaxiibkay Faysal loo adeegsaday.”.Ayuu yidhi Cabdiraxmaan Cirro
Md.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi, waxa kale sida oo kale uu Muuse Biixi ku dhalliilay in aanu haba-yaraatee waxba ka aqoonin siyaasadda iyo xidhiidhada diblomaasiyaddeed ee caalamka isla mar ahaantaana uu ka codsanaayo ka hor inta aanu arrimahaas ka hadlin uu ka soo talo qaato Madaxweyne Siilaanyo iyo Dr.Maxamed Cabdillaahi Cumar.
“Waxa la yaable in Muuse uu ka sheekaynaayo diblomaasiyad iyo xidhiidhka caalamka, waxaana ay ila tahay in uu arrintaas Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), iyo Maxamed Cabdillaahi Cumar uu weydiiyo intaana uu arrintaas ka hadlin, waxa aan ahay guddoomiyahii Baarlamaanka, waxa aan ahay Murashax Madaxweyne dalka ka doonaya. xil baa i saaran, intaas aan haya na wuu igu saaran yahay, muwaadinimo na waa igu saaran yahay oo waan damqanayaa, marka waxa aan shacabka Somaliland u sheegayaa in aan fariintoodii uu Xisbi Xaakimku ka gaabiyey aanu gaadhsiiany beesha Caalamka.”.Ayuu yidhi guddoomiye Cirro
Dr.Cirro, waxa kale oo uu Muuse Biixi ku dhalliilay in aanu weli ka hadlin arrimo la xidhiidha aabaaraha Somaliland balse uu mashquul ku yahay ololeyn iyo qeybinta calamada Xisbiga KULMIYE, waxaana uu yidhi:
“Muuse Biixi weli lama arag isaga oo abaar ka hadlaaya oo olole ayuu ku jiraa, wasiiraddii ay ahayd in ay abaaraha ka hadlaana wuxu ku mashquuliyey in ay isaga u ololeeyaan oo ay dhianac socdaan oo reeraha u keenaan oo dadka u soo ururiyaan, waxaana ay ila tahay in xoolahaas na la iskugu iman doono, laakiin anagu maanta olole uma jeedno, waxa aanu ujeednaa in aanu dalka u gurmano, in aanu shacabka u gurmano, in aanu abaaraha ka hadalno, in xoolaha la inaga xidhay aanu ka hadalno oo aanu beri la kulmi doono safaaradda Sucuudiga ee safiirkii Somaliland , Kenya iyo Somaliya ba u fadhiyey Nayroobi oo aanu kala hadli doono in arrinta Xoolaha la soo celiyo oo loo furo sida ugu dhakhsaha badan”.
Ugu dambeyntii, Murashaxa Cirro, waxa uu Alle ka baryey in uu raxmaadkiisa u shubo shacabka Somaliland, sida oo kale na waxa uu qof kasta oo Somaliland ah uu ku booriyey in laga wada qeyb-qaato gurmadka abaaraha Somaliland oo uu sheegay in KULMIYE uu dayacay in shacabka dhibbaateyn wax loo qabto.
“Waxa aanu Ilaahay ka rajeynaynaa in uu roob khayr qaba ina siiyo oo uu Raxmaadkiisa innoo shubo, mas’uuliyaddu na waa ina wada saaran tahay Muuse na way saaran tahay, laakiin Muuse wuxu kaga mashquulay olole iyo calamada KULMIYE oo wakhti aanay ahayn in la qeybiyo uu qeybinaayo, wuxu kaga mashquulay olole siyaasaddeed oon xilligiisii joogin, waxa aanu iska dhignay ololahii oo aanu u gurmanaynaa shacbigayaga oo aanu ugu maqan nahay in aanu abaarahaas ka hadalno.”.