Gudoomiye Cirro oo dalka ku soo laabtay kuna adkaystay,Qabashada Dooda Qaran,Isku shaandhayntii uu sameeyay golihiisa iyo fariin uu u diray Gudoomiyaha Kulmiye
Hargaysa 27.Nov 2013 (SDN)- Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Mudane C.raxmaan Maxamed C.laahi Cirro isla markaana ah Gudoomiyaha Xisbiga Waddani ayaa si xamaasadi ku jirto loogu soo dhaweeyay Gagida diyaaradaha ee Cigaal International Airport ee Magaalada Hargaysa kadib markii uu soo dhamaystay safar uu mudaba ugu maqnaa wadamada Yurub.
Gudoomiyaha Golaha Wakiilada waxaa soo dhawayntiisa ka qayb qaatay Gudoomiyaha Xisbiga Ucid, Siyaasiyiin,Xildhibaano,Madaxda Xisbiga iyo Marti sharaf kale oo Tiro badan.
Gudoomiyaha Golaha Wakiilada oo Warbaahinta la hadlayay ayaa ku adkaystay in isku shaandhayntii uu ku sameeyay Gudi hoosaadyada Golaha Wakiilada ay tahay mid Sharci ah,Mudane C.raxmaan Maxamed C.laahi Cirro waxaa kale oo uu sheegay in dhigiisa Xisbiga Kulmiye Mujaahid Muuse Biixi Cabdi looga baahan yahay sidii uu ugu cadayn lahaa eedaymo uu hore ula beegsaday Xubno uu isagu ka mid yahay waxaanu xusay in aanu weligii taageerin wax shir beeleed ah isla markaana aanu ahayn sida uu yidhi dagaal ooge isagoo intaas ku daray in qof walba ay taariikhdu ogtahay waxa uu galo iyo waxa uu gudo.
Geesta kale Gudoomiyaha Golaha Wakiiladu waxaa kale oo uu sheegay in Shirka Dooda Qaran uu yahay mid lagaga arrinsanayo wax kasta oo mushkilad ku ah geedi socodka qaranka.
Faahfaahinta Warkan oo dhamaystiran Goor dhow filo
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com