Gudoomiye Cali Guray oo Soo Bandhigay Dhaqaalaha uu Murashax Jamaal ku Bixiyey Soo Saarista Xisbiga Ucid Iyo Sida Gudoomiye Faysal aanu Waxba ugu Darsan‘’Dhan Walba ha Lagu Qado ee Dheglay Ku Shub”
Hargaysa 19.June 2016 (SDN/QJ):- Gudoomiye Ku Xigeenka 3aad ee Xisbiga Ucid Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf ‘’Cali Guray’’ ayaa soo bandhigay Xadiga dhaqaale ee Murashax Jamaal Cali Xuseen kaga baxay ka soo saaristii Xisbiga ee Marxaladii Urur Siyaasadeedyada,Isagoo Xusay in Murashax Jamaal uu Lacag dhan Laba Boqol oo Kun oo dollar ku Kharash gareeyay Ololihii Kaanbaynka Xildhibaanadii Ku soo Baxayay Golayaasha deegaanka ee dalka Waxaa Kale oo uu intaas ku daray in Jamaal Cali Xuseen uu Iibiyey Laba Guri oo uu ku lahaa dalka Maraykanka,Waxa uu Mujaahid Cali Guray uu meesha ka saaray Wax dhaqaale ah oo Gudoomiye Faysal Cali Waraabe kaga qayb qaatay Kaanbaynkaas Xisbigu ku Jiray Si uu uga Mid noqdo Xisbiyada Qaranka.
Gudoomiye Ku Xigeenka 3aad ee Xisbiga Ucid Mujaahid Cali Guray ayaa Qoraal uu ku faafiyey Degelka uu ku leeyahay Barta Xidhiidhka Bulshada ee Facebook waxay u dhignayd Sidan:-
‘’Anigu sida Ina Cali Waraabe beenaale ma ihi, khayinna ma ahi, bilaa wacadna ma ahi.
Jamaal 300,000,$ oo udub ku xidhay musharxnimadiisa markii uu dhigay waatii la isku rogay lacagta ka baxday markaa ilaa 100,000$ ayaan ku qiyaasayaa intii aanay Faysal heshiiska wada gelin eenu UCID noqon.
200’000$ ee kale wuxu geliyay UCID waanay ka go’day kaambaynkii oon la gaadhin hadana isaga ayuun baa wixii ku baxay ololaha iyo baahiyihii kaleoo dhan daboolay Faysal bal cid gambo ku darsatay ha sheego. Musharixiintii UCID ka soo bilaw bari.
DHAHAR
BADHAN
CEERIGAABO
CEELAFWAYNE
GARADAG
LAASCANOOD
XUDUN
CAYNABO
BURCO
ODWAYNE
Iintaas oo degmo bal isu gee musharixiintii UCID oo midkiiba lagu diiwaangeliyay 2 milyan Sl Sh yaa la bixiyay Jamaal Cali. Saaxil iyo Maroodi Jeexna Jamaal buu ahaa kii ilaa kharshkii ololaha iyo kaabista degmiiyinka oo dhan iyo gacansiinta musharixiinta oo qaarkood xataa uu ka caawiyay soo raridda taageerayaashooda xadka ka shisheeyay aan waxba kala hadhin eh Faysal bal wax uu ku darsaday ha sheego.
Jamaal waxa kale uu UCID u iibiyay laba guri oo ka mid ahaa hantidii uu ku lahaa dalka maraykanka ee xaguu geeyay ma nin u baahnaa inu hantidiisa iibiyo ayuu ahaa? Muraad kale umuu iibin ee UCID ayuu u iibiyay.
Sanadkii ugu dambeeyay shaqadii American City Bank dakhligii laga cashuuray een aniga laftaydu waraaqahooda arkay waxay dhamayd 680,000$ waxa dheeraa 200000$ oo uu ku qaatay gunno guri iyo dugsiga caruurtiisa marka la isku daro 880 000$ ayuu sanadkii shaqeeyay hadana intu mar keliya dhulka dhigay ayuu u soo biyaystay siyaasad intii uu ku jirayna wax uu ku bixiyo mooyaane wax ka soo galay ma jiraan.
Halka Ina Cali Waraabe uu u yahay xisbiga UCID moqorofad uu dawarsado oo cid walba ku baadho ilaa Madaxwaynaha Somalia Xasan Sheekh bal cid kaleba daayoo.
Marka ay sidaa tahay anigu waxan hubaa hadii UCID Jamaal iyo Faysal uu mid soo saaray uu sheegan karo inu yahay Jamaal ee Faysal aanu irbad ku darsan hadana uu yahay ka maanta UCID kala dagaalamaya inuu tartamo uu guusha beegsado.
Laakiin aan eegno hadii sida Faysal iyo inta adeegsanaysa ay tooda noqoto karis xun iyadaa ku wax la’ waxay noqon DHAN WALBA HA LAGU QADO EH DHEGLAY KU SHUB waana la isla wada degi ee hadhaw yaanay la xumaan kuwa Faysal aaminay ee u haysta inu wax u tari karo oo inta uu Jamaal Cali Xuseen musharaxnimada ka qaado uu isagu musharax ka noqodo UCID.
Taasi waa riyo xataa hadii ay dhacdo way kaga xumaan kuwa u haysta inay ka faaiidi doonaan