Gudoomiye Cali Guray oo Xogo Qarsoodi ah Iyo Qoraalo aan Hore loo shaacin Ka Soo Saaray Xeerka Diiwaangelinta ee Muranku ka taagan yahay DAAWO
Hargaysa 28.Oct 2014 (SDN/QJ)- Guddoomiye Ku-xigeenka 3-aad ee Xisbiga UCID Cali Maxamed Yuusuf (Cali-Guray) ayaa Si adag uga Hadlay Dagaalka ay Xukuumadu ku qaaday Golaha Wakiilada,Isla Markaana soo Bandhigay Siro ku Duugan Xeerka Muranka badani ka taagan yahay ee diiwaangelinta Muwaadinka .
Gudoomiye Cali Guray ayaaa Yidhi “Dagaalka halkan ka socda ee Somaliland ka socdaa, maaha mucaarad iyo Muxaafad ee waa dagaal ay ishayaan doorashadoonka Somaliland oo xal doon ah iyo Doorasho diidka Somaliland oo Xall la’aan inagu wada, xal la’aantana hore ayaynu u aragnay. Waxaa nasiib-darro ah, Madaxweynaha qawlkiisa markaannu eegno, waxa uu yidhi; ‘Anigu wakhtigii la ii igmaday Maalin ku dari maayo’! Saw Madaxweyneheennii maaha oo inaynu rumaysanno maaha?” sidaa ayuu yidhi Cali-Guray.
Waxaanu Guddoomiye Ku-xigeenka saddexaad ee Xisbiga Caddaaladda iyo Daryeelka ee UCID Cali Maxamed Yuusuf intaas ku sii ladhay oo uu yidhi; “Intaas oo jeer buu ku celiyay oo intaas oo Safiir baa soo maray oo cid walba wuxuu u sheegay in doorashadu wakhtigeedii ku qabsoomayso,diyaar uu u yahay,kaalmuu waydiistay waa laga aqbalay, waana Qawl. Ficilkiisu muxuu noqday, waa kaas doorasho diidka ah, qowlkiisuu waa doorasho doon,ficilkiisiina waa doorasho diid, dee dhinac ha iskugu guuro oo ama Xirsi iyo Cali Mareexaan iyo Balaaki ha dhegaysto cid u nasteexa malaha malaha Ninkuye,wax u tudhayaane ma jiree ama Umadda ha soo raaco oo cida u nasteexa ah wax ha ka dhegaysto.”
Hargaysa SDN/QJ
contact@qurbejoog.com