|

Gudoomiye C.raxmaan Cirro oo Caqabad Siyaasadeed iyo Xujo Culus hor dhigay Xukuumadda Siilaanyo

Hargaysa 07. December 2016 (SDN/QJ):- Gudoomiyaha ahna Murrashaxa madaxweynaha ee xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa  cagaha la galay  fadeexad diblomaasiyadeed  oo weyn, waxaanu magacaabay  safiir wareega oo qabanaya qeybo ka mid ah shaqadii xukuumadda, gaar ahaan wasaaradda arrimaha dibadda, waxaanay tallaabadani   hordhac  u tahay qorsheyaal  sharci darro ah oo uu ku mijo-xaabinayo Xukuumadda  Jamhuuriyadda Somaliland.

 

CIRROCabdiraxmaan Cirro, waxa qoraal Ingiriisi ah oo uu shalay soo saaray  ku magacaabay in Cabdirisaaq Axmed Faarax (Diinaari) uu noqdo  Safiirka Wareega  Komishanka midowga Yurub/MFA/DANIDA, taasi oo ah mid ka baxsan awoodaha xisbiyadda oo aan u magacaabi karin safiirro Hay’adaha  dawliga ah iyo kuwo goboleedba.

Qoraalka Cirro oo Wargayska Afka Xukuumadda ku hadla ee DAWAN, soo turjumay, waxa kaloo lagu sheegay in safiirkaas uu magacaabay midowga Yurub ka shaqeyn doono la dagaalanka argagixisadda, budhcad-baddeeda iyo tahriibka. Isla markaana uu fududeyn doonno sidii ay u kordhin lahaayeen mucaawimadda ay siiyaan Somaliland.

 

diinaari-1-1“Anigoo ah Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, ahna Murrashaxa madaxweynaha ee xisbigaas, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro),  waxaan awoodayda guddoomiyenimo iyo murrashaxnimaba jecelahay inaan ku magacaabo  Cabdirisaaq Axmed Faarax (Diinaari) inuu noqdo safiirka wareega ee Komishanka Midowga Yurub (European Union Commission),MFA/DANIDA iyo UNECA,”ayuu  ku yidhi Cabdiraxmaan Cirro qoraalkiisa  ku sheegtay  Guddoomiyenimadii xisbigaas ee uu sida ku-meelgaadhka ah ugu wareejiyay Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde.

Isagoo hadalkiisa sii watay waxa uu qoraalkiisa yidhi “Safiirku wuxuu kor u qaadi doonaa xidhiidhka xisbiga WADDANI la leeyahay dhinacyadda ay khusayso, si uu ula galo wadaxaajoodyo iyo heshiisyo isagoo metalaya xisbiga WADDANI si ay uga faa’iidaystaan dadka Jamhuuriyadda Somaliland.”

“Safiirkayagu wuxuu masuul ka yahay xoojinta iskaashiga aanu la leenahay dhinacyadda aanu hawl-wadaagta nahay iyo sii hagaajinta  iskaashigeenna ku wajahan la dagaalanka argagixisadda, budhcad-baddeeda iyo tahriibka  iyo inuu fududeeyo inaad kordhisaan taageerada aad siisaan dadkayaga si  loo dhiso dawlad dimuqraadi ah oo ku dhaqanta sharciga iyo kala dambaynta.”

Magacaabistan ayaa ah fadeexad diblomaasiyadeed  iyo jariimad culus oo Cirro ka galay dawladnimada Somaliland, waxaanay bilow u tahay ifafaalaha  qorshe uu ku tallo-galay inuu sifo sharci darro ah ula wareego qeybo ka mid ah awoodaha dawladda Somaliland loo doortay. Waxa kaloo ay ka dhigan tahay inuu tallaabadan u qaaday si uu hay’adaha dunida uga helo dhaqaale lagu wado xisbigiisa.

Sidoo kalena, waxa qoraalkiisa uu mar kale dibadda u soo saaray in xilka gudoomiyenimadda ku-meel gaadhka ah ee uu ku wareejiyay Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde yahay mid barkuma taal ah maadaama oo uu wali sii sheeganayo guddoomiyenimadii xisbiga oo uu qoraalo badan oo uu soo saaray ku saxeexay.

 

Xigasho: Wargeyska Dawlada ee DAWAN

Comments are closed