|

Gudoomiye C.raxmaan Cirro oo Balanqaadyo Hor leh u sameeyay Haweenka Hadii uu Hogaaminta Dalka Ku Guulaysto DAAWO

Hargaysa 09.Sep 2016 (SDN/QJ):- Guddoomiyaha xisbiga WADDANI Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro) oo ka hdlayay Munaasibad Shalay loo Sameeyay Haween Isbedel Doon ah oo Ku soo Biiray ayaa sheegay in uu si aada ugu faraxsan yahay in haween weynaha caasimadda oo mideysan in ay ku soo biiraan xisbiga WADDANI sida oo kale na ay muujiyaan cududdooda isbedel-doonimo, isaga oo sida oo kale na halkaas uga jeediyey khudbad dheer oo aad u qiimo badan taas oo taabanaysay dhinacyo badan oo ku saabsan adeegyada iyo weliba baahiyaha haweenka ee xisbiga WADDANI uu wax ka qaban doono.
cirro“Waxa aan u mahadcelinayaa dhammaan ba haween weynaha kala duwan ee ku soo biiray xisbiga WADDANI ku waasi oo ka kala socda lixda degmo ee caasimadda gobalka Maroodi-jeex, waxaana aan lee yahay ku soo dhawaada xisbiga weynaha WADDANI, xisbigu waxa uu idin ku soo dhaweynayaa gacmo afuran. Xisbiyada qaran waxa cudud u ah oo had iyo jeer doorta madaxdweynaha waa haweenka iyo dhallinyarta, haddii haweenka iyo dhallinyartii oo mideysani ay ku soo biireen WADDANI waxa aan qabbaa in aynu maanta guushii gaadhnay, xisbigu na uu soo bixi doono se waxa aanu ugu baaqeynaa xukuumadda in ay diyaariso garoonkii lagu geli lahaa doorashada, waxa aanu ka codsanaynaa in xukuumaddu ay qabato doorasho xor iyo xalaal ah.”.Ayuu yidhi Dr.Cabdiraxmaan Cirro
Dr.Cirro oo sida oo kale hadalkiisa sii wata, ayaa waxa uu yidhi:“Haweenku waa halbowlaha xisbiga WADDANI, ahmiyad ballaadhanna waa uu siinayaa imika iyo mustaqbalka ba, waxaana naga balan in aanu wax badan ka qabano baahiyaha kala duwan ee qabbaan haweenku haddii ay tahay in ay ka qeyb-qaataan siyaasadda, baahiyaha dhinaca caafimaadka iyo in lagu dhiiri-geliyo siddii ay waxbarashada qeyb weyn uga noqon lahayeen ula na tartami lahaayeen haweenka.”.

Comments are closed