|

Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Muxuu ka Yidhi Kala Dirista Komiishanka Doorashooyinka iyo Prof Fadal oo Xisbiga Iska Casilay

Hargaysa 29.Aug 2014 (SDN/QJ)-Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI,ahna guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Md.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cabdiraxmaan Cirro) ayaa ka hadlay sida ay u arkaan Xisbi ahaan go’aanka uu Madaxweyne Siilaanyo ku kala diray guddidii doorashooyinka Somaliland, iyo weliba iscasiladii Xoghayihii arrimaha dibadda ee Xisbiga Mucaaridka ah WADDANI Dr. Maxamed Cismaan Fadal.

cirroCabdiraxmaan Cirro waxa uu sidaa ku sheegay mar uu  u waramayay qaar ka mida warbaahinta, Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI,ahna guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Md.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cabdiraxmaan Cirro) , ayaa waxa uu yidhi “Doorashadii iyo diwaangelintii laba arrimood ayaa ka qabyo ahaa, mid waxa uu ahaa arrinta Komiishanka doorashooyinka in laga wada hadlo oo la isla eego.midna waxa uu ahaa xeerka kaabista qabyo tirka ah in la isla eego, markaa qabyo tirkii ayuunbay arrintani ka mid tahay, Inkasta oo aanay digreetada Madaxweynuhu (Ku kala diray Komiishanka) na soo gaadhin, digreetadaasi way soo baxday,waxaanay ka hadlaysay sidii loo soo xuli lahaa xubnaha cusub ee guddida doorashooyinka”.

“Markaa jawaab ku haboon baanu ka bixin doonaa Haddii Alle ka dhigo Asxaab mucaarad ahaan.Wakhtiga la cayimayna waanu ku bixin doonaa jawaabtaasi”Ayuu yidhi Gudoomiyaha WADDANI Cabdiraxmaan Cirro.

Sidoo kale, Cabdiraxmaan Cirro mar wax laga weydiiyay sida uu u arko is-casilaadii Xoghayihii arrimaha dibada Xisbiga WADDANI Dr. Maxamed Cismaan Fadal uu shalay shaaciyay, wuxuu ku jawaabay Muwaadinkasta xaq ayuu u leeyahay Inuu WADDANI ka baxo, KULMIYE ka baxo, ama uu UCID ka baxo, Xisbigii kamuu bixin ee waxa uu yidhi waan iscasilay, Xisbiga Taageeree ayuu u noqon karaa (Dr. Fadal), waxaanu iscasilaadiisa ku sababeynayaa duruufo isaga u gaara, wax xumaan ah oo uu Xisbiga ka sheegtayna ma jirto,”

Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cabdiraxmaan Cirro) waxa uu ku sifeeyey Dr. Maxamed Cismaan Fadal inuu si wanaagsan ula soo shaqeeyay Xisbiga muddadii uu ka midka ahaa, “Annaga waa nin aad noola soo shaqeeyey, oo aanu qadarinayno, oo aanu ixtiraamayno, oo aanu saaxib nahay,”.

Hargaysa SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

 

Comments are closed