|

Gudoomiyaha Xisbiga Wadani oo Maanta Qaabilay Wefti ka socda Qaadhaan bixiyeyaasha

Hargaysa 13.Aug (SDN) Gudoomiyaha Golaha wakiilada ee JSL ahna Gudoomiyaha Xisbiga Wadani Md Cabdiraxmaan maxamed cabdilaahi (Cirro) oo ay wehelinayeen mas’uuliyiin kala duwan oo xisbiga ka tirsan ayaa maanta xafiiskiisa Xisbiga wadani ku leeyahay Magaalada caasimadda ah ku qaabilay mas’uul ka socday deeq bixiyayaasha caalamiga ah ee taageera doorashooyinka Somaliland.

Gudoomiyaha Xisbigu waxa uu sheegay inay mas’uulkan ku wargeliyeen in shuruucda Somaliland ay tilmaamayso in doorasho kasta lagu galo diiwaangelin, axsaabta mucaaradka iyo xukuumaduna ay si wada jir ah codsi ugu gudbiyeen deeq bixiyayaasha iyagoo ka dalbaday qaybtii ay ku lahaayeen dhaqaalihii lagu hirgelin lahaa diiwaangelinta codbixiyayaasha doorashooyinka mustaqbalka la qaban doono.

Mudane cabdiraxmaan Cirro waxa uu sheegay inay mas’uulkan ka socday deeq bixiyayasha kula dardaarmeen in qalab kasta oo loo adeegsanayo diiwaangelintu uu noqdo mid xakamayn kara in qofku uu is diiwaangeliyo halka Mar ee uu Xaqa u Leeyahay,si aanay u dhicin ku Noq Noqosho.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed