Gudoomiyaha Xisbiga Ucid oo soo dhawayn balaran logu sameyey Gegida Diyaaradha ee Hethrow Airpot iyo Tageerayaal Mug ku leh Wadankan Uk oo ku soo biiraya
London16April16(SDN/QJ)Madaxda Xisbiga Ucid ee Uk oo soo dhawayn balaran u Sameyey Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faisal Ali waraabe iyadoo halkaa taageerayaasha xisbig si heer sare ah ugu soo dhaweyeen Garabyada Haweenka Dhalintayarada iyo .Xoghayeha guud ee xisbiga Ucidd Mudane Yusuf Googooye , XoghayeArimaha Dibada Mohamed Mohamed-Aar Abdillahi Xoghaye Rashiid ,Xoghayha Siyaadada ee Xisbiga Ucid Abokor Mohammed Iyo Tagerayaal Mug leh oo ku soo biray Xisbiga Ucid ,Xubanaha soo soo dhaweyey waxa ka mida Madaxa xidhiidhka ururada socialist ka ee qaarada yurub Mudane Saed Omar Saciid Ucid , Gudoomiyaha Uk Mr Shiine Koodbuur , Gudoomiyaha Garabka haweenka ee London Marwo Ifrah Baruud ,Marwo Nuura Xiise Oumarxoghayaha Qarada Yurub Marwo Saynab Xaaji Gaydh Gudoomiyaha garabka haweenka Qaarada EuropeGudoomiyuhu waxuu ka qaybgali donaa xaflad balaran oo ka dhici doonta Bariga London oo lagu soo dhawaynayo xoghayeha guud ee xisbiga ee cusub Mudane Yusuf Googooye iyo Tageerayaal Cusub oo Mug leh oo ku soo biray xisbiga Ucid taas oo noqonaysa tageradii u balaran oo loo hayo Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Mudane Faysal Cali Warabe oo la filaayo inuu uga warami doonaa Bulshada ku dhaqan UK iyo taageerayaasha xisbiga isagoo uu ahaan doono kulankasi is xogwaraysi , dhiirigalin , dardar gelin iyo bar bilaw barakaysn oo xisbigu ku shaqayndoono mustaqbalka dhaw iyo ka fog ee ididiilada siyaasada xisbiga ku niyad san inuu noqondoono mid xisbiga u soo kordhiya qiimo siyaasadeed oo bulshadu kusoo hirato .Gudoomiyaha , saraakiisha xisbiga , xubnaha xisbiga , taageerayaasha xisbiga iyo dhamaan dadwaynaha madasha kasoo qaybgali doona waxay halkaa dardaaran iyo talo ku kala qaadandoonaan si ay uga qayb qaataan horumarka dalka ee dhinacyo badan mid siyaasadeed mid isku duubni mid wada tashi iyo mid horumarineed dhinaca siyaasada .
Waxaanu rajaynaynaa inay kasoo baxaan midho wax ku oola oo loo aayi doono mustaqbalka dhaw iyo ka fog ba si loo dhidbo oo loo hirgaliyo siyaasada xisbiga iyo hanaqaadka habdhaqanka siyaasada ee fikirka ku dhisan , si looga fogaado afkaarta xagjirka ah ee siyaasadeed ee ku salaysan reernimada iyo aragtida ka fog wacyiga siyaasadeed ee lagu jiro si uu xisbigu u gaadho guulo siyaasadeed si aanu saaxada siyaasadeed uga bixin ee uu u adkaysto doorka uu ku leeyay siyaasada somaliland ee hanaanka axsaabta tirada badan .waxa kale aan rajaynayaa inuu xisbiga shirkani u noqdo shidaal .gabagabadii waxa gudoomiye faysal uga mahad celiyey tagerayashii iyo madaxdii xisbiga sida niyad wacan ee ay u soo dhaweyeen.
Xoghayeha Abaabulka iyo wacyigelinta UCID
Mudane Abdilahi Sheikh Xasan Dayaan (kaiser )