|

Gudoomiyaha Xisbiga Ucid oo ka War Bixiyay Shir Caalami ah oo uu kaga Qaybgalay Tansaaniya

Hargaysa 26.March 2014 (SDN)- Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Ucid Eng Faysal Cali Waraabe,ayaa ka war bixiyay shir Caalami ah oo uu qayb gali doono kaasoo ka dhacaya dalka Tansaaniya.

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Ucid waxa uu sheegay inuu ka  qayb gali doono shir lagu qaban doono wadanka Tanzania kaasoo lagaga hadli doono dhibaatooyinka ka taagan Waddammada Afrika, waxaanu sidoo kale ka hadlay doorashooyinka Wadanka ku soo socda iyo qodobo kale.

faysal cali waraabeUgu horayn guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe oo ka hadlaya safarkiisa ayaa waxa uu yidhi “Maanta waxaan u baxayaa oo aan  galayaa safar, waxaan ku sii horayn doonaa  Waddanka Tanzania  halkaas oo aan kaga qayb gali doono  bishan shir ay leeyihiin Waddammada ka tirsan ururka la yidhaa Socialist International, waxaana marti qaaday xisbiga haya talada dalka Tanzania ee CCM anaguna marti qaadkaas ayaanu ku jirnaa, waxaana ka qayb galaya aniga iyo ninka nooga wakiilka ah ururkaas, waxaana lagaga wada hadli doonaa  qulquladaha ka taagan wadamada Afrika ee ay ka mid yihiin Somalida, koonfurta Suudaan iyo Congo, waxa kale oo lagaga hadli doonaa  dawlad wanaaga iyo sidii kor loogu qaadi lahaa dhaqaalaha wadamadaas.”

Gudoomiye Faysal Cali Waraabe oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa raaciyay

“Waxaanan u sii dhaafi doonaa Finland aniga oo hal usbuuc joogi doona una sii dhaafi doona Waddanka Jarmalka oo uu ka dhici doono shir la yidhaa German African Energy kaasoo ay iskugu iman doonaan Waddamo badan oo Afrikaan ah, waxaanan u sii dhaafi doonaa Waddanka Beljiem si aan ula kulmo midawga Yurub,waxaanan marka danbe tagi doonaa Wadanka Ingiriiska, waxaasna badankooda waxa ugu weyn hawl qaran waayo Adduunka waynu ka seexanay waxaana loo baahan yahay in sidii barigii jabhada la ahaa oo kale inuu qof waliba sidii uu ugu shaqaynayey inuu guddoomiyaha SNM ahaa in arimaha qaranka aan cidna lagu halayn oo Xisbi ahaan loo ordaa, shakhsi ahaan loo ordaa sidii Somaliland looga midha dhalin lahaa himilada shacabka gooni isku taaga Somaliland ee loo gaajooday ee loo dhintay xabaalaha waaweyna loo yeeshay, anaguna cidna ku halayn mayno  waxaanu jecelnahay inaanu shaqayno haddii aanu xisbiga UCID nahay.”

Gudoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe waxaa kaloo uu a hadlay doorashooyinka dalka ku soo fool leh,kuwaasoo uu ku dardaarmay in xilligooda la qabto.

“Waxa iga dardaaran ah in doorashadu wakhtigeeda dhacdo waana inay dawladu nala shaqayso si aanay doorashadu dib ugu dhicin oo aynu u samayno diwaan gelin qurux badan, xooga waxaanu saaraynaa hada in doorashada wakhtigeeda la qabto oo isbedal khayr qabaa yimaado.” Ayuu yidhi gudoomiye Faysal Cali Waraabe

Faysal Cali Waraabe waxaa kaloo uu eedayn u soo jeediyay Wasiiradda Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo oo uu ku tilmaamay qaar gaba dadkii ay xilka u hayeen isla markaana ku mashquulsan iska dhiska Madaxweyaha.

“ Waxaanad moodaa in dadkii la ilaabay oo masuuliyiinta dalku halkii ay iska dhisi lahaayeen shacabka ay u hayaan xilka ay iska dhisayaan Madaxweynaha oo marka uu baxana ay wada raacayaan marka kalana ay Madaxtooyada wada taagan yihiin, maantana shacabkeenu wuu gaajoonayaa maceeshadii iyo doolarkiina cirka ayuu ku marayaa, cunto dhacday ayaana la keena taasoo keentay inuu dalka ku bato xanuunka kansarku , waxaanan leeyahay Wasiirada  guul wadanimada iska daaya oo shacabka u shaqeeya, Madaxweynuhuna idinkumuu odhan dadka caaya idinka oo aan la garanayn sida ay xaaladiinu tahay.”

Hargaysa SDN.

Qurbejoog@gmail.com

Comments are closed