Gudoomiyaha Xisbiga Ucid oo Cadeeyay inay Soo Gaadhay Warqad uu Madaxweyne Siilaanyo kaga dalbanayo inay Soo Xulaan Xubintoodii Komiishanka Cusub
Hargaysa 29.Aug 2014 (SDN/QJ)- Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa ka hadlay aragtidiisa ku aadan digreetada uu madaxweynaha Somaliland ku kala diray Komiishanka doorashooyinka Somaliland.
Faysal Cali Waraabe waxa uu sidaa ku sheegay mar uu la hadlayay qaar ka mida warbaahinta Somaliland,waxaanu yidhi“Anagu wali maanu arag digreeto lagu kala dirayo guddida doorashooyinka,laakiin waxa jira in guddida doorashooyinka uu wakhtigoodu dhamaanayo 29 october. Waxaanay ka mid tahay qodobada la doonayo in xal laga gaadho si ay doorasho u dhacdo,waana in guddida doorashooyinka hada jooga ama dib loogu cusboonaysiiyo wakhtiga ama wax laga badalo.”
Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi “Markaa anaga waxa uu noo soo diray warqadii uu lahaa soo magacaaba xubnihi guddida doorashooyinka, taasna waa sharci xeerbaana yaala waanan soo dhaweynaynaa xubnahayagiina waanu soo magacaabaynaa sida ugu dhakhsaha baddan”.
Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa la sheegay inuu kala diray guddidii doorashooyinka qaranka Somaliland.
Hargaysa SDN/QJ
contact@qurbejoog.com