“Madaxweyne Axmed Siilaanyo Ma Moodid Innuu Dadkan Iyo Dalkan Somaliland Mas’uul Ka Yahay,Waana Ayaan daro in Odayaashii Gobolka Saaxil uu Baashe Cawil 10 Dollar Habeenkii ku afursiiyo’’ Gudoomiyaha Ucid ee Gobolka Saaxil DAAWO
Berbera 21.June 2016 (SDN/QJ):- Gudoomiyaha Xisbiga UCID ee Gobolka Saaxil Marwo Rooda Axmed Yaasiin, Ayaa Si Adag uga hadashay Heshiiska lagu Wareejinayo Dekeda Berbera iyo Mudaharaado Lagaga Soo Horjeedo Arimaha Dekeda oo Shalay ka dhacay Magaalada Berbera.
Sidoo Kale Marwo Rooda waxay fariin adag u dirtay xukuumada madaxweyne siilaanyo oo ay ku tilaamntay inay tahay mid xaalufisay dhamaan hantidii danta guud ee umada ka dhaxaysay, waxaanay ka digtay in heshiiskaasi aanu ahayn mid somaliland dan u ah balse uu yahay, mid shakhsiyaad gaar ah iyo kooxda madaxtooyada fadhida kaliya ay dani ugu jirto.
Sidoo kale waxay sheegtay in Dawladaha carabtu ay yihiin kuwa Somaliland Halka ay taalo dhigay isla markaana cadaw ku ah Jiritaanka Qaranimada Somaliland.