Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye oo u Xili Xaraarada Siyaasadeed ee Xisbiga Kulmiye Cirka Marayso u Kicitimay Itoobiya
Hargaysa 25.Nov 2013 (SDN)-Gudoomiyaha xisbiga muxaafidka ah ee Kulmiye Mudane Muuse Biixi Cabdi oo uu weheliyo xog hayaha guud ee xisbiga Md Xasan Siciid Yuusuf ayaa maanta u ambabaxay caasimadda dalka Ethiopia ee addis ababa halkaas oo ay casuumad rasmi ka heleen xisbiga talada dalkaasi haya ee EPRDF.
Waftiga oo ka dhoofay madaarka caalamiga ah ee Egal International Airport ayaa waxa halkaasi kusii sagootiyay madax ka tirsan xisbiga kulmiye oo uu ka mid yahay gudoomiye ku xigeenka koowaad ee xisbiga Md Maxamed Kaahin Axmed waxaana halkaasi warbaahinta kala hadlay gudoomiye ku xigeenka koowaad ee xisbiga kulmiye Md Maxamed Kaahin Axmed oo sheegay in waftiga gudoomiyhu uu casuumad rasmi ka helay xisbiga ka taliya dalkaasi ethoipia kaas oo ujeedadiisu ay tahay xoojinta xidhiidhka labada dal.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com