|

Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye oo Ka Nabsi galay in Xildhibaan Saleebaan Cali Koore uu Noqdo Gudoomiyaha Cusub ee Golaha Wakiiladda & Taageero uu u fidiyey Gudoomiye Ku Xigeenka 1aad Mr Baashe Iyo Hadal Dareen leh oo uu Bulshada u diray DAAWO

Hargaysa 03. August 2017 (SDN/QJ):- Xildhibaan Saleebaan Cali Koore oo u taagan qabashada Gudoomiyaha Cusub ee Golaha Wakiiladda ayaa la sheegay inuu Caddaadis kala Kulmay Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Mudane Muuse Biixi Cabdi oo ilo lagu kalsoon yahay ay tilmaamayaan inuu la saftay Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha Wakiiladda Mudane Baashe Maxamed Faarax.

Xildhibaan Saleebaan Cali Koore ayaa ah Shakhsi Xisbiga Kulmiye la soo maray halgan adag gaar ahaan deegaanada uu dhalasho ahaan ka soo jeedo ee gobolka Sool isagoo Gudoomiye Muuse Biixi ku Wehelin Jiray Safar Kasta oo uu ku tago Gobolka Sool, Halka Gudoomiye Ku Xigeenka 1aad ee Golaha Wakiiladda lagu sifeeyo Shakhsi aan Saamayn Muuqata ku lahayn Gobolka uu ka soo Jeedo ee isla Sool,Sidoo kalena kama uu dhex Muuqan Jirin Ololaha Taageero doon ee Murashaxa Kulmiye, Isagoo dhanka kalena ahaa Siyaasiyiintii taageersanaa Garabkii Isbahaysiga Dimuquraadi doonka ah ee xisbiga Kulmiye ee markii danbe la Midoobay Xisbiga Waddani.

Mudane Saleebaan Cali Koore ayaa Hadal uu Warbaahinta siiyey waxa uu fariin u diray Taageerayaashiisa iyo Beesha uu ka soo Jeedo oo uu Sheegay inay iman doonto inay isugu yimaadaan shir ay kaga arrinsanayaan Halka ay Masiirkooda siyaasadeed ku aamini doonaan.

Comments are closed