|

Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye oo ka hadlay hadal ka soo Yeedhay Madaxweynaha Somalia iyo Tahriibta {DHAGAYSO}

Berbera 08.June (SDN)  Gudoomiyaha xisbiga kulmiye md. Muuse Biixi Cabdi ayaa Maanta Dalka dib ugu soo labtay ka dib  markii uu socdaal  ku soo maray  Dalka maraykanka,Isagoo  jaaliyadda Somaliland kagala qayb galay xuskii munaasabadda 18-ka May ee sanadguurada 22-aad ee ka soo wareegtay markii Somaliland la soo noqotay madaxbanaanideeda.

Sidoo Kale Socdaalkiisa ayaan ka Madhnayn Damac Siyaasadeed oo Taageero doon,Maadaama Dabayaaqada Sannadkan la qaban doono Shirweynihii Xisbiga Kulmiye oo Mudo dhaafay isla markaana ay soo Baxeen Siyaasiyiin ku haminaya inay qabtaan Jagada uu hayo kuwaas oo uu ugu Cad cad yahay Wasiirka Maaliyada Mudane C.casiis Maxamed Samaale.

Gudoomiyaha oo markii uu ka soo degay madaarka caasimadda Hargaysa ay si weyn  ugu soo dhaweeyeen  dadweyne tiro badan oo taageerayaasha Xisbiga  ah ayaa isagoo war fidiyeenada kula hadlay Qolka Nasashada ee gegida diyaaradaha Isagoo ka Warbixiyay Safarkiisii isla markaana ka hadlay arrimo door ah oo taabanaya Mandaqada ay Somaliland ku taalo,Tahriibta Sii Badanaysa iyo kuwo kale.
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/MUUSEBIIXI.mp3″]

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed