Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye oo ka Fal celiyay Siday u arkaan Go’aankii Maxkamadda Distooriga ahayd Shalay gaadhay
Hargeysa, 24 July, 2015 (SDN/QJ)- Warsaxaafadeed uu ku saxeexan yahay Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa Warsaxaafadeed uu soo saaray Waxa uu Cabiray dareenka Xisbigooda ee ku aadan Go’aankii ay Maxkamada Distooriga ahi shalay ku dhawaaqday isla markaana ay Xisbiyada Mucaaridka ugu fasaxday qabsashada Shirarkooda kadib markii Xukuumadu Cudud Ciidan u adeegsatay in Mucaaridku ku Kulmi kari waayaan Huteelada Magaalada Hargaysa.
Warsaxaafeedka Gudoomiye Muuse Biixi ayaa u dhignaa “Xisbiga KULMIYE waxa uu soo dhawaynayaa go’aanka ay soo saartay Maxkamadda Dastuuriga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland maalintii shalay ee taariikhdu ahayd 23/07/2015, waxaannuna diyaar u nahay in aannu ugu dhaqanno sidiisa.
Waxa kaloo aannu si gaar ah u soo dhawaynaynaa qodobka saddexaad ee go’aanka Maxkamadda Sare ee amraya in dhinacyada doorashadu khusaysaa soo afjaraan muranka taagan.
Sidaa darteed xisbi ahaan waxaannu jecelnahay in arrintaasi laga midho-dhaliyo, iyadoo horeba KULMIYE uu ugu jirnay sidii loo dhammayn lahaa khilaafkan, waxaannuna ugu baaqaynaa xisbiyada mucaaradka ah inay nalaga hawlgalaan dhammaystirka iyo hirgelinta heshiiskii hore loo galay.
ALLAA MAHAD LEH
Muuse Biixi Cabdi
Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE
Hargaysa SDN/QJ