Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye oo Hambalyo u diray Ciidamada Qaranka Xuska Aasaaskooda oo Beri ku Beegan
Hargaysa 01.Feb 2014 (SDN)- Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka hoggaanka xisbiga, ka Golaha Dhexe, ka Guddida Fulinta iyo ka dhammaan xubnaha iyo taageerayaasha xisbiga KULMIYE wuxuu hambalyo iyo bogaadin u dirayaa munaasibada xuska maalinta aasaaska ciidanka Qaranka ee 02/02/2014 darteed, hoggaanka Ciidanka Qaranka, dhammaan geesiyaasha ciidammada qaranka, ooryahooda, carruurtooda iyo qoysaskoodaba, isagoo ALLE uga rajaynaya inay sannadkan kiisa kale ku gaadhaan bashbash, barwaaqo iyo caafimaad.
Guddoomiyuhu wuxuu ku boogaadinayaa halyeeyada ciidammada Qaran sida waddaniyada, nafhurka iyo adkaysiga leh ee ay heeganka ugu yihiin ilaalinta qaranimada, xuduudaha iyo jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland.
Gabogabadii, Guddoomiye Biixi, wuxuu u rajaynayaa ciidammada Qaranka iyo guud ahaanba shacabka Somliland guul iyo gobanimo waarta.
Geesta kale Munaasibad balaadhan oo lagu muunaynayo xuska labaatan guuradda ciidanka qaranka ayaa beri lagu qabanayaa xarunta Taliska Guud ee ciidanka qaranka, halkaasi oo ay khudbado uga jeedin doonaan masuuliyiinta sar-sare ee dalka iyo masuuliyiinta wasaaradda Gaashaan-dhiga oo ka warrami doona marxaladihii aasaaska ciidanka qaranka iyo heerka maanta uu taagan yahay tayo iyo tiraba.
Hargaysa SDN.