|

Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye oo difaacay Safarkii Madaxweynaha ee Gobolada DAAWO

Hargeysa 25.Jan 2015 (SDN/QJ) Guddoomiyaha Xisbiga talada haya ee KULMIYE Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay inay Xisbi ahaan bogaadinayaan safarkii Madaxweyne Siilaanyo ku soo maray Goboladda iyo Degmooyinka Somaliland.

Gudoomiye Muuse Biixi waxa uu difaacay Safarka Madaxweynaha oo Mucaaradku dhaliilo u jeediyay, waxaanu sheegay in Safarka Madaxweynuhu qorshaystay islamarkaana cidda uu doono la shirayo meesha uu doonana u hayanayo.

Gudoomiyaha Kulmiye Waxaa Shirkaas Jaraa’id ku Wehelinayay Xoghayaha Guud ee Xisbiga Kulmiye Xasan Siciid Yuusuf

Comments are closed