Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Oo Dhambaal Tacsi Ah U Diray Ehelada Uu Ka Geeriyooday Aqoonyahan Maxamed Cabdiraxmaan Gadhyare
Ujeeddo: Tacsi
Guddoomiyaha xisbiga haya talada Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa jagada madaxweynaha ee xisbigaas Md. Muuse Biixi Cabdi, Guddoomiye-ku-xigeenka koowaad Md. Maxamed Kaahin Axmed, Xoghayaha Guud ee xisbiga Md. Xasan Siciid Yuusuf iyo Guddoomiyaha Golaha Dhexe Md. Jaamac Ismaaciil Cige (Jaamac-shabeel) oo ka wakiil ah Guddiga Fulinta, Golaha Dhexe iyo guud ahaanba taageerayaasha xisbiga KULMIYE waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan qoyska, qaraabada, asxaabta iyo guud ahaanba shacabka reer Somaliland ee uu ka baxay Marxuum Maxamed Xaaji Cabdiraxmaan Gadhyare oo ku geeriyooday magaalada Hargeysa maanta (28/01/2016).
Marxuum Maxamed Xaaji Cabdiraxmaan Gadhyare oo ka mid ahaa ganacsatada caanka ah ee Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu ka mid ahaa waxgaradkii kaalinta wayn ka soo qaatay nabadayntii iyo dib-u-dejintii beelaha Somaliland kadib dib-u-xorreynta waddanka. Waxa kaloo uu mar ku biiray siyaasadda dalka, isagoo isku sharraxay Golihii Wakiillada ee ugu horreeyey ee doorasho toos ah lagu doortay sannadkii 2005-tii, inkastoo aan ka mid noqon xildhibaanadii soo baxay.
Mudane Muuse Biixi iyo xubnaha hoggaanka sare ee KULMIYE waxay ku tilmaameen marxuumka nin taariikh wanaagsan ku lahaa dalka oo aragti hal-abuur lahaa, waxaanay Alle uga baryayaan inuu jannadiisa Fardowsa ka waraabiyo, qoyska, qaraabada, asxaabta, iyo guud ahaan shacabkana uu samir iyo iimaan innaga siiyo Marxuumka.
Aamiin…. Aamiin….Aamiin.
Xafiiska Warbaahinta ee xisbiga KULMIYE