Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye oo dalka dib ugu soo laabtay Socdaal uu Mudo ugu Maqnaa Maraykanka
Hargaysa 08.June (SDN) Gudoomiyaha xisbiga kulmiye md. Muuse Biixi Cabdi ayaa Maanta Dalka dib ugu soo labtay ka dib markii uu socdaal ku soo maray Dalka maraykanka. Halkaasoo uu jaaliyadda Somaliland kagala qayb galay xuskii munaasabadda 18-ka May ee sanadguurada 22-aad ee ka soo wareegtay markii Somaliland la soo noqotay madaxbanaanideeda.
Gudoomiyaha oo markii uu ka soo degay madaarka caasimadda Hargaysa ay si weyn ugu soo dhaweeyeen dadweyne tiro badan oo taageerayaasha Xisbiga ah ayaa isagoo war fidiyeenada kula hadlay Guriga Nasashada ee gegida diyaaradaha waxa uu sheegay in uu socdaal ku soo maray qaybo ka mid gobolada dalka Maraykanka,
Md Biixi waxa u sheegay in mudadii uu marayey dalka maraykanka uu kulamo balaadhan la yeeshay jaaliyadda Somaliland ee ku dhaqan gobolada kala duwan ee dalkaasi, kuwaasoo uu xog warran ka siiyey marxaladda uu marayo dalku, isla markaana ay ka wada hadleen arimo badan oo khuseeya horumarinta dalka iyo adkaynta qaddiyadda Somaliland.
Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye oo ka hadlayey tahriibka dhalinyarada waxa uu ku booriyay dhalinyarada inay aaminaan dalkooda, una adkaystaan hadba wadciga taagan iasaga oo tilmaamay in la soo maray duruufo iyo xilliyo ka adkaa waqtigan aynu hadda ku jirno, waxaana uu u jeediyay dhalinta u hanqal taagaya dhulka shisheeye in ay qiimo ku leeyihiin dalkooda kana waantoobaan inay naftooda mahlako geliyaan.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com