Gudoomiyaha Xafiiska Imtixaanaadka Qaranka oo Gaadhay Magaalada Ceerigaabo
Ceerigaabo 27.April (SDN) Gudoomiyaha Xafiiska Imtixaanaadka Qaranka Daa’uud Axmed Faarax ayaa caawa gaadhay Magaalada Ceeri gaabo ee Xarunta Gobolka Sanaag.
Gudoomiyaha ayaa Socdaalkiisu la xidhiidhay Codsi ay u soo direen ardayda dugsiyada sare gaar ahaan fasalada 4aad iyo 8aad ee dugsiyada dhexe ee Gobolka Sanaag,oo ka dalbaday inuu talo iyo tusaaleba ka siiyo Nidaamka Imtaxaanadka Shahaadiga ah loo qaado .
Gudoomiyaha Xafiiska Imtixaanaadka Qaranka Daa’uud Axmed Faarax waxaa Si balaadhan loogu soo dhaweeyay Degmooyinka Ceel afweyn,Gar adag iyo Xarunta Ceerigaabo waxaanu sheegay in Safarkiisu uu qaadan doono Mudo todobaad ah isla markaana uu kormeer ku tegi doono deegaamada Gobolada Sanaag iyo Sool,Maadaama uu Imtixaankii Shahaadiga ahaa bilaabi doono Bisha Lixaad ee Sannadkan 2013 .
Ceerigaabo SDN.
Qurbejoog.com