|

Gudoomiyaha Xafiiska Imtixaanaadka Qaranka ee Somaliland oo Markii Kowaad Socdaal Shaqo ku Tagay Gobolka Badhan

Badhan 25.Feb 2014 (SDN)- Guddoomiyaha Hay’adda Imtixaanaadka Somaliland Daa’uud Axmed Faarax (Daa’uud gadhweyne), ayaa socdaal ku maraya degaamada Bariga sanaag ee Somaliland gaar ahaan degmada Badhan oo uu xalay u hoyday isaga iyo wefti uu hogaaminayo.

daa'uud axmed faaraxGuddoomiyaha Hay’adda Imtixaanaadka Somaliland Daa’uud Axmed Faarax (Daa’uud gadhweyne), ayaa socdaal ku maraya degaamada Bariga sanaag ee Somaliland gaar ahaan degmada Badhan oo uu xalay u hoyday isaga iyo wefti uu hogaaminayo.

Daa’uud Gadhweyne, ayaa shalay ka amba baxay Magaalada Ceerigaabo ee Xarunta Gobolka sanaag, waxaanuu xalay ku sugnaa oo uu u hoyday magaaladda badhan, halkaas oo la sheegay inay si ballaadhan uGu soo dhoweeyeen maamulka degmada badhan ee Somaliland, isaga oo saakana billaabay kormeerka wax barasho ee deegaamadaasi.

Kormeerkan Guddoomiyaha Imtixaanaadka Somaliland, ayaa noqonaya kii ugu horreeyey ee uu deegaamadaasi ku togo, waxaana la sheegay in uu soo mari doono deegaamo badan oo ka mid ah gobolka sanaag, gaar ahaan deegaamada bari ee gobolkaasi, kaas oo la xidhiidha sidii uu uGu kuur geli lahaa wax barashada deegaamadaasi iyo sida uu imtixaanka Somaliland uga hir galo.

Badhan SDN.

Qurbejoog.com

 

Comments are closed