|

Gudoomiyaha wakaaladda Qurba jooga Somaliland oo faah-faahin ka bixiyey qorshaha wakaaladooda ee ka qayb-qaadashada horumarinta iyo maal-gashiga dalka

Hargeysa Mar 14,2012(SDN)- Gudoomiyaha  wakaaladda Qurba jooga Somaliland Mud, Maxamud C/raxmaan Cali, ayaa  faah-faahin ka bixiyey  qorshaha wakaaladooda ee  ka qayb qaadashada  horuumarinta iyo maal-gashiga dalka.

Gudoomiyaha wakaaladda Qurba jooga Mudane Maxamuud C/raxmaan waxa uu xusay in  wakaalad ahaan ay ku tala jiraan sidii  uga  gudbi lahaayeen  qurba joogu  hanaankii ahaa  guri dhisashada,oo ay ugu gudbi lahaayeen inay maal gashiga dalka doorkooda ka qaataan. Waxaanuu gudoomiyaha wakaaladda qurba joogu  xusay inay  doonayaan in saamigooda qurba jog ahaan loogu daro wershada Sibidhka  ee Berbera ee lagu tala jiro in la dhiso.

Mud, Maxamuud C/raxmaan waxa uu intaa ku daray in  ay wakaaladoodu qorshaynayso  sidii ay  dhiiri gelin  u siin lahayd dadka qurba jooga ah uguna qancin lahayd  in  Jaanisyada  bvanaan  ee maal gashiga ku haboon  ay dalka ka fuliyaan sida  kaluumaysiga oo kale oo xooga ay saaraan sidii ay wershadayn wax soo saar iyo shaqo abuuris ay dalka uga   fulin lahaayeen.waxaanuu  xusay inay  dhinaca aqoonsi raadinta dalka ay dhinacooda kaga jiraan dedaal xoogan ,kuna tala jiraan inay shakhsiyaad caalamiya ku soo casuumaan dalka  si ay xaqiiqa raadin dhab ah uga sameeyaan xaqiiqada ka jirtana  loo ogaado.

SDN-Hargeysa

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed