Gudoomiyaha Ururka Solja oo Sheegay in Wasiirka Warfaafinta Somaliland Markii uu Qurbaha Joogay uu ku Noolaa Lacagta Caydha ah Isla markaana uu Lunsaday Lacagihii loogu talo galay Xuska 18 May DAAWO
“Sidaan Wararka ku hayo Wasiir Caddaani Dhawr iyo Konton Sanno ayuu Qurbaha Joogay Mudadaas Wuxuu ahaa Bilaa Camal Waxaanu qaadan Jiray Lacagaha Caydha”
Hargaysa 16,May 2016 (SDN/QJ):- Gudoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee Solja Maxamud Cabdi Jaamac Xuuto ayaa ka falceliyey Dhaleecayn uga Timid Wasiirka Warfaafinta Somaliland Mudane Cismaan C.laahi Saxardiid Caddaani kadib Markii Wargayska Waaheen uu ka qoray Warar uu ku sheegay in Wasiir Caddaani uu Lunsaday Dhaqaalihii loogu talo galay Xuska 18 May ee Wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka iyo Wacyigelinta.
Mr Xuuto Wuxuu Tilmaamay in Wasiir Caddaani aanu haba yaraatee Waxba ka aqoon Shaqada Warfaafinta ee Madaxweynuhu u igmaday,Waxaanu intaas ku daray in Saxaafada Madaxa bannaani aanay Joojinayn Tebinta Wararka Xuska qaran ee 18 May.
Gudoomiyaha Solja Wuxuu dhaliil u soo Jeediyay Madaxda Qurbejoogta ah ee Xilalka lagu taxay.