“Gudoomiyaha Ucid Wuu Xannuunsanayaa,Aniga Ma Jiro Xil uu ii Magacaabay Waxaa la igu doortay Shirweynihii 5aad ee Golaha Dhexe” Cali Guray DAAWO
Hargaysa 02.April 2016 (SDN/QJ):- Gudoomiye Ku Xigeenka 3aad ee Xisbiga Ucid Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf “Cali Guray” ayaa ka falceliyey Qoraal uu maanta Gudoomiye Faysal Cali Waraabe ku Sheegay inuu ka Qaaday Xilkii Gudoomiye Ku Xigeenka Sadexaad.
Sida aanu ka soo Xiganay Barta uu Cali Gurey ku leeyahay Shabakada Xidhiidhka Bulshada ee Facebook Wuxuu Qoraalkiisu u dhignaa Sidan:- “Gudoomiyaha UCID Ilaahay caafimaad ha siiyo eh wuu xanuunsanaya waayo ficilka iyo hadalkiisa midna uma eka wax ka suurtoobi kara qof xiskiisu dhan yahay.
Hadii ay run tahay in kiniin joogto ah uu qaadan jiray malaha wuu ka go’ay eh marka loo keeno wuu ladnaan doonaa.
Arinta UCID maaha arin shakhsi iyo wax xalku noqon karo xil magacaabis iyo xil ka qaadis. Qandaraaska la soo siiyay waa burburinta UCID waaana halkii laga soo maleegay shirqoolkii la isku deyay in lagu burburiyoSaldanadda Subeer Awal. UCID iyo Suldanada guri keliya ayaa lagaga soo duulay waanu fashilayaa hadii Alleh yidhaa sidii uu u fashilay shirqoolkii Saldanadda Subayr Awal.
Markaa Faysal waa la isticmaalayaa xaaladda uu ku sugan yahay ee caafimaadna way kaga faaiidaysanayaan. Markaa anigu xal uma arko in lala tirsado balse waxan u arkaa in sharciga la adeegsado.
Aniga hadii uu jiroba xil uu ii magacaabay wuu iga qaadi karaa raalina waan ku ahay laakiin waxan cadaynayaa in aanu jirin haba yaraato eh xil uu gudoomiyuhu ii magacaabay oo aan u hayo Xisbiga UCID.
Xilka aan u hayo xisbiga waxa la iigu doortay Kalfhadhigii 5aad ee Golaha Dhexe oo cod buuxa ku ansixiyay sida ku cad go’aamadii ka soo baxay Kalfadhigaasi isaguna xaq uma laha inu iga qaadi karo hadiise uu ka ansixiyo Gokaha Dhexe waa sax waanan u hogaasami doonaa.
Ugu dambaystii Faysal xalka dhibaatada UCID qayb kama noqon karo waayo isaga ayaaba dhibaatada lafteeda ah dhibaato kale oo UCID haysta oon isaga ahaynina ma jirto. Markaa dagaalka siyaasiga ah ee UCID waa ” winner takes all” waa in UCID la waayo iyo in Faysal la waayo wax ka dhexeeya oo kale anigu ma garanayo. Markaa aan sugno dhamaadka. Hadii ay ta xunba noqoto oo UCID la waayo anigu waxaan noqon doonaa qofka ugu khasaaraha yar waayo dan shakhsi ah oon waayayaa ma jirto balse waxan la qaybsan doona khasaaraha UCID intii xisbiga ah oo dhan. Kuwii iiga badsaday UCID hawlihiisa ee 14ka sanadood ku xoog iyo xiniinyo beelayna waan ka tacsiyayn doonaa. Kolkaa xil waxba ma sheegayo eh waxan bahwaynta UCID ugu baaqayaa inay u midoobaan badbaadinta xisbigooda qaaliga ah si ay u gaadhi karaan higsigoodii UCIDna ugu simaan in uu noqdo xisbul xaakim
Wa Bilaahi Tawfiiq