|

Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland oo Fariin adag u diray Xisbiyada Ku Loolamaya Doorashadda oo Weedho Naxli leh is weydaarsaday & Dulucda Talo uu u Soo Jeediyey DAAWO

Hargaysa 28. October 2017 (SDN/QJ):- Gudoomiyaha Maxkamadda sare ee Somaliland Garyaqaan Aadan Xaaji Cali ayaa u soo Jeediyey Murashixiinta ku loolamaya Doorashadda Madaxtooyadda Somaliland inay ka dhawrsoonaadaan hadalada Cunfiga leh ee ay warbaahinta isu marinayaan isagoo si gaar ah u soo qaatay in Xisbi amase Musharax lagu eedeeyo inuu Somalia oo xukunkeedu dhisnayn lala xidhiidhiyo inuu Xidhiidh la leeyahay.

Waxaa Kale oo Gudoomiyaha Maxkamadda sare ee Somaliland ugu baaqay Xisbiyadda qaranka in Maadaama uu Mid kastaa Muujiyey Cudduda taageero ee uu haysto in hada wixii ka danbeeya dhaqaalaha isu soo baxyada ay ku bixiyaan ay u bedelaan Sidii ay ugu caawin lahaayeen dadka danyarta ah iyo Kuwa ku Jira Cisbitaaladda.

Comments are closed