Gudoomiyaha Maxkamada Sare oo Hanjabaadii Ugu Adkayd u diray Xeer ilaalinta kana dhiidhiyay dadka ay eedaha beenta ah ku soo Oogaan {DHAGAYSO}
Hargaysa 11.Aug 2014 (SDN/QJ)- Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee Somaliland Mudane Yuusuf Ismaaciil Cali ayaa Shalay aqoon isweydaarsi lagaga hadlayo Xeerka anshaxa Garsoorayaasha oo ay ka qayb galeen Gudoomiyeyaasha Maxkamadaha Gobolada dalka,Kuwa Racfaanka iyo Garsoorayaal waxa uu uga furay Huteel Guuleed ee Caasimada hargaysa.
Ku Xigeenka Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo Kulankaasi ka hadlay ayaa sheegay inay daruuri tahay sidii la isugu Xisaabtami lahaa Waxyaabihii ka hirgalay Xeerka anshaxa garsoorayaasha iyo Xeer ilaaliyeyaasha dalka.
Mas’uul ku hadlayay afka hay’ada Undp oo Kulankan soo agaasintay ayaa isna sheegay in Xeerkani uu Mudo laba sanno ah shaqaynayay isla markaana ay Waajib tahay sidii looga jawaabi lahaa fulitaanka Xeerkan.
Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee Somaliland Mudane Yuusuf Ismaaciil Cali oo hadal dheer oo dhinacyo badan taabanaya ka jeediyay madashaasi ayaa ku nuux nuuxsaday in loo baahan yahay garsoor dadku aamini karo oo Kalsooni lagu qabi karo.
Waxaa kale oo Gudoomiyuhu uu ka Gilgishay Markii kowaad eedaha been abuurka ah ee Xafiiska Xeer ilaalinta qaranku ku soo oogo Muwaadiniinta aan denbiga gelin.
GUJI HALKAN OO MOBILKAAGA KA DHAGAYSO HADALKA GUDOOMIYAHA MAXKAMADA SARE
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/MaxkamadaSare(1).mp3″]
Hargaysa SDN/QJ