|

Gudoomiyaha Maxkamada Sare iyo Xubnaha Gudida Cadaalada oo Kormeer ku tagay Magaalada Berbera.

Berbera 22.June ( SDN)  Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee Somaliland Yuusuf Ismaaciil Cali iyo Xubnaha Gudida Cadaalada ayaa maanta gaadhay Magaalada Berbera isla markaana waxay maanta dhagaysteen dacwado ciqaab ah oo laba ka mid ahi Yihiin dil.

Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee Somaliland oo ka hadlayay Ujeedada Socdaalkooda ayaa Sheegay inuu la Xidhiidho Xog ogaal u noqoshada hawlaha Garsoorka iyo  Kormeer Shaqo oo ay ku Eegayaan Habsami u Socodka Dacwadaha horyaala  Maxkamadaha,isagoo Xusay inay hada ka soo laabteen dhinaca Gobolka Togdheer oo ay Mudooyinkii u danbeeyay ku Sugnaayeen isla markaana ay Soo dhameeyeen Kiisas Dil ah oo ku Jiray Gacanta Garsoorka.

Mudane Yuusuf Ismaaciil Cali oo la Weydiiyay Waxyaabihii ay kala Kulmeen Mudadii ay Kormeerkan ku Jireen ayaa Yidhi “Waxaanu la Kulanay dad Cadaalad u baahan,Waxaanu ka Garnaqnay Kiisas Dil ah oo yaalay Maxkamada Gobolka Togdheer,Xaqiiqdii Bulshadu imaatinkayaga aad bay ugu faraxday”.

Gudoomiyaha Maxkamada Sare oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “ Kama Nasanayno in Wixii Garsoorka ka Xumaada sidii loo toosin lahaa inaanu samayno,ilaahayna waxaan ka baryayaa inuu inagu wada guuleeyo wixii Galdaloolo ah ee ka jira Garsoorkeena”.

Dadka ku nool Xarunta Gobolka Saaxil ee Berbera ayaa ka rajaynaya Gudoomiyaha Maxkamada Sare iyo Xubnaha Gudida Cadaaladu inay soo afjaraan Kiisas Dil ah oo Maxkamada Gobolka Saaxil Mudo badan horyaalay.

Berbera SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed