Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee Somaliland oo ka Warbixiyey Heerka Caddaaladeed ee Somaliland DAAWO
Hargaysa 09.Aug 2016 (SDN/QJ):- Gudoomiyaha Maxkamadda sare ayaa ka qaybgalay kulan hawleed lagu qiimaynayey mashruuca u dhoweynta garsoorka ee bulshada oo dib loogu eegayey waxyaabihii mashruucaa ka qabsoomay mudadii lixda bilood ahayd ee la soo dhaafay.
Kulankan oo ka dhacay Hotel Maansoor ee Magaalada hargaysa waxaa ka qaybgalay gudoomiyayaasha maxakamadaha heer gobol iyo heer racfaan ee guud ahaan JSL waxaana warbixin ka jeediyey xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka oo sharaxaad ka bixiyey ahmiyadda ay leedahay dib u eegista lagu samaynayo shaqadii ay hayeen maxkamadaha guurguura ee dalka ka shaqeeya.
Dhankiisan gudoomiyaha Maxkamadda sare garyaqaan Aadan Xaaji Cali oo kulankaa ka hadlay waxa uu sharaxaad ka bixiyey macnaha garsoorka guurguura