|

Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee Somalia oo Shir kaga qayb galaya Nairobi iyo Jabuuti

Muqdisho 03.Nov 2013 (SDN)- Guddoomiyaha maxkamadda sare ee Soomaaliya, Caydiid Cabdullaahi Ilka-xanaf iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta ka dhoofay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, waxayna ku sii jeedaan dalalka Kenya iyo Jabuuti.

ilko-xanaf-300x225Guddoomiyaha waxaa safarkiisa ku wehliya qaar ka mid ah garsoorayaasha maxkamadaha, waxaana lagu wadaa in dalalka ay u ambababaxeen uga qeyb-galaan kulamo looga hadlayo sharci ku saabsan la dagaallanka burcad-badeedda iyo horumarinta garsoorka dalalka ku yaalla Bariga Afrika oo Soomaaliya ay ku jirto.

Isagoo warbaahinta kula hadlayay gudaha garoonka Muqdisho, Ilka-xanaf wuxuu sheegay inuu ku faraxsan yahay ka qeyb-galka kulamada ka dhacay Nairobi iyo Jabuuti.

Wafdiga ayaa ku hor-maraya magaalada Nairobi oo uu uga qeyb-galayo kulanka oo ay ka qeyb-galayaan garsoorayaal ka socda dalalka Soomaaliya, Kenya, Jabuuti iyo Yemen.

Muqdisho SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed