Gudoomiyaha la dagaalanka Musuqmaasuqa oo baaq u diray shacaabwaynaha reer Somaliland inay xog ka soo uruuriyaan Musuqmasuqa wadanka ka Jira
London31March14(SDN) gudoomiyaha la dagaalanka musuqmaasuqa ee xaruuntiisu tahay magalada london ayaa baaq u diray shacabwaynaha reer somaliland inay xog ka soo ururiyaan wax ala waxii ku salaysan musuqmaasuq iyo hanti boob xaad dhaafay ee ka jira dalkeena somaliland waxana yeelaya nidaamkeena dawladnimo iyo inaaynu helo aqoonsi caalami ah taasi oo ah hadafka ugu waayn ee bulshadeena somaliland leedahay inaaynu helno aqoonsi buuxa oo calanka somaliland laga taago miisaska awoodeed ee calamiga ah sida United Nationska,sidaas darteed waxa lagama marmaan ah inaaynu meel uga soo wadajeedsano la dagaalanka musuqmaasaqa iyo dadka u boobaya hantida ummada sida bilaa xishoodka ah, waxa kale oo anu u baaqaynaa bulshada somaliland siiba dadka shaqalaha dawlada ah ee xoogogaalka ah inaay na soo wargaliyaan Hantida ku baxda goolayasheena barlamanka iyo gurtida miisaniyada gasha iyo kharashka sanadkii ku baxa xilidhibaanada somaliland iyo gurtida waxa uu yahay mushaharkoodu inaay bixiyaan cashuur iyo shuruucda aay dhigaan inaay u hogaansanyihiin iyo inaad war naga soo siisaan hayadaha kala duwan iyo wasaradaha sida wasarada wax barashada kharashka ku baxa iyo shaqaaalaha ka shaqeeya iyo mashaarciida ka socda meelaha aay wasarada waxbarshadu ka shaqaayso ee ay ka hirgaliso dalka iyo qandarasyada aay calamka ka qaadato sida EU UN iyo dalaka carabta, fadlaan hadii aad arimahan warbixin naga soo siin karto nagala soo xidhiidh Emailka hoos ku qoran.
Gudoomiyaha la dagaalanka Musuqmaasuqa
Siciid Xariir Diiriye
00447946893675
Email: Somalilandanticorruption@outlook.com