Gudoomiyaha Komiishanka Doorashooyinka Somaliland oo Luuqad adag kula Hadlay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo & Madaxda Dawladiisa ee Sharciga Gacanta ku qaatay DAAWO
Hargaysa 14. September 2017 (SDN/QJ):- Komiishanka Doorashooyinka Qaranka ayaa Shaaciyey Dhamaadka Qaybinta Kaadhadhka Codbixiyeyaasha ee Guud ahaan Gobolada dalka.
Gudoomiyaha Komiishanka Doorashooyinka Qaranka Mudane C.qaadir Iimaan Warsame oo ka hadlayay Munaasibad lagu shaacinayay dhamaadka hawlgalkii Qaadashada Kaadhka Codbixiyaha ayaa u Mahadnaqay Cid kasta oo kaalin ku lahayd dhamaytirka qaadashadii kaadhka codbixiyaha Waxa uu Gudoomiyaha Komiishanku u soo Jeediyey Sadexda Xisbi Qaran ee ay u Garsoorayaan inay Ilaaliyaan Xeerka Anshaxa Doorashada Madaxtooyadda Isla markaana ay ku soo daraan Qodobo lagu sii adkaynayo Cidii Jebisa Talaabooyinka laga qaadayo.
Gunaanadkii waxa uu gudoomiyuhu sheegay in dhamaan dhaqaalihii, agabkii iyo nidaamkii doorashaduba u dhantahay Komiishanka Doorashooyinka Qaranka Waxa Qudha ee Hadhsanina ay tahay Sidii ay u dhici lahayd Doorasho Xor iyo Xalaal ah Isla markaana laga Ilaaliyo Wax kasta oo Xagal Daac ku keenaya.