|

Gudoomiyaha Jaamacada Camuud oo si diiran loogu soo dhaweeyay Magaalada Boorama

Boorama 27.Nov 2013 (SDN)- Gudoomiyaha jaamacada camuud ahna gudoomiye ku xigeenka gudida tacliinta sare ee Somaliland  Prof Saleebaan Axmed Guuleed  ayaa maanta si diiran loogu soo dhaweeyay magaalo madaxada gobolka Awdal ee Borama.

gudoomiyaha jaamacada camuudGudoomiyaha jamaacadda Camuud Prof Saleebaan Axmed Guuleed oo safar labo bilood qaatay ugu maqnaa cariga Markaykanka iyo qaar ka mida dalalka Carabtaa kaasoo ujeedadiisu ay ahayd tayaynta jaamacadaha dalka iyo tacliinta sare, iyadoo mudadii dalka Somaliland dib loogu soo noqday ay horumarka tacliintu maalinba maalinta ka danbaysa ay kor u kacaysay, ayaa gudoomiyaha jaamacadda camuud waxa uu khudbado ka ka jeediyay jaamacado ku kala yaala wadamada maraykanka iyo carabta
isagoo ardayada jaamacadahaasi wax ka barata iyo maamulkooda ugu waramay sida ay tiro iyo tayaba ugu harumareen dhinaca waxbarshada ardayada  wax ka barata jaamacadaha dalka.

Gudoomiyahu mar uu khudbad dheer ka jeediyay jaamacad ku taala magaalada New York ee dalka Maraykanka  oo ay wax ka bartaan arday ka kala socota 110 wadan oo caalamka ah ayaa halkaasi si weyn ugu dheeraaday maraaxilka ay soo martay waxbarshada dalka somaliland gaar ahaan waxbarshada jaamacadaha.

Gabagabadii Prof Saleebaan Axmed Guuleed waxa uu mahad celiayay qurba jooga somaliland oo uu u muujiyay mudadii uu halkaasi joogay sida heerka sare ah ee ay diyaarka ugu yihiin horumarinata dib u dhiska dalka iyo ka qeyb qaadashada tayaynta tacliinta dalka

Boorama SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed