Gudoomiyaha iyo Xogahayaha Arimaha Gudaha Ucid Oo Ka Qayb Galay Ciyaar Kubada Cagta Ah oo Hargeysa lagu qabtay
Hargeysa Dec 25,2014(SDN/QJ)-Gudoomiyaha Xisbiga Cadaalada iyo Daryeelka Ucid Eng Faysal Cali Waraabe iyo Xoghayaha Arimhaha gudaha oo Maanta ka qayb galay Ciyaar adag oo laba naadi oo heerka labaada ku dhexmartay garoonka MMA ee Degmada M/haybe. Isla markaana Cup gudoonsiiyey kooxdii ku guulaysatay horyaalka Fc Horyaal.
Xisbiga Ucid isagoo kaduulaya dhiiri galinta dhalinyarada ayuu xisbigu marwalba siinaya mudnaanta kobaad dhalinyarada madaama ay yihiin mujtamaca ugu badan bulsha jamhuuriyada Somaliland. Dayaca Ka muuqda Garoomada lagu Ciyaaro kubada ayaa ah mid aan indhaha laga qarsankarin iyo qorshe la.aanta wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha.
Ubadkeena hadaan shaqo loo abuurin oo aan garoomada ay ku ciyaaran loo hagaajin ee busku ka duulayo hatahriibina ku joogi maayaan waa in dhalinyarada hoos loo eegaa. Hadaanu nahay Xidbiga UCID anagoo usoo kuur galay soona ogaanay xaalada dhabta ah ee dhalinyarada Ciyaarta kubada waayo Xilwayn ayaa naga saaran waa dadka ugu badan ee codkooda aanu ku xisaabtamayno.
Xukuumada Maantana Waxaan ugu Baaqaynaa inay Miisaaniyadan ay ku faanayaan ee lalibin laabay ee Cashuurtii hooyadii Tamaandhada iibinaysay toban goor lagu dalacay waa in miisaaniyada dhalinyarada daryeelkooda wax loogu daraa oo garoimada roogag loo dhiga sida kuwa ganacsiga loo furtay oo kale.
Waan umahadnaqaynaa dadka Sameeyay Garoomada Casriga ah ee lagu Ciyaaro waayo Nolosha ayay kamid tahay in lacayaaro oo dhalinyarada Siyaasadan ay ku waasheen lagaga jeediyo Ciyaaraha oo kor loogu qaado. Wasaaradii Dhalinyarada iyo Ciyaaraha oo hurdo dheer gashayna waa in la baraarujiyaa.
Allaah Mahadleh
Xoghayaha Arimaha Gudaha Xisbiga UCID.
Abdiqani Ibrahim Salaf “Kaptanka”