Gudoomiyaha Hay’ada Shaqaalaha Somaliland oo digniin kasoo saaray shaqalaha aan u dhalan Somaliland iyo Fulitaanka Hadalkiisa oo Shaki ku jiro
Hargaysa 24.May 2016 (SDN/QJ):- Xukuumada Somaliland ayaa sheegtay inay gudaha Somaliland ka shaqayn Karin dad aan u dhalan Somaliland.
Gudoomiyaha ururka Shaqalaha Soomaaliland Maxamed Axmed Cabdi oo saxaafada kulahadlay gudaha Soomaaliland ayaa sheegay inay nasiib daro tahay in dhalinyaradii wadanka u dhashay ay shaqo la,aan uga baxayaan sidoo kalana shaqale Ajaanabi ah ay u shaqaynayaan hay’ada.
Maxamed ayaa si gaar ah canaan ugu jeediyey hay’adaha Samafalka iyo maalgashadayaasha gudaha deegaanada Soomaaliland isagoo sheegay inay shaqaale ajanib ah kala yimaadaan meel ka baxsan Soomaaliland.
Gudoomiyaha ayaa sheegay maalintii shaqalaha aduunka inay ka sheegeen dhalinyarada in la siiyo fursad shaqo oo Ajanabiga lagu yareeyo shaqalaha ka shaqaynaya gudaha deegaanada Soomaaliland.
Hadalka Maxamed Axmed ayaa kusoo aadaya iyadoo dhalinyarada Somaliland ay inta badan sheegaan inaysan jirin wax shaqo ah ay qabtaan sidaas darteedna ay ugu dhamaadaan badaha.
Dhawr Jeer oo hore ayaa Mas’uuliyiin ka Tirsan Xukuumadda Somaliland Waxay Sheegeen inaanay Suurtogal ahayn in Shaqo uu Muwaadin Somaliland ahi qaban karo inuu qabto Qof ajaanib ah Sidaas awgeed ay dawlad ahaan Go’aansadeen Sidii fursad Shaqo loogu abuuri lahaa dhallinyarada dalka hasa yeeshee balanqaadyadaas ayaan waxba ka rumoobin.