|

Gudoomiyaha Haay’adda Shaqaalaha Somaliland Oo Ka War Bixiyey Safar Uu Ku Joogo Qaar Ka Mid Ah Dalalka Dibada

Rwanda 08. June 2017 (SDN/QJ):- Gudoomiyaha Haay’adda Shaqaalaha Somaliland Oo Ka War Bixiyey Safar Uu Ku Joogo Qaar Ka Mid Ah Dalalka Dibada. Gudoomiyaha Haay’adda Shaqaalaha Somaliland Muddane Sharmaake Geelle ayaa waxaa uu ka war bixiyey safar uu maalmihii ugu danbeeyey uu ku joogay dalal Kenya Iyo Rwanda waxaana uu yidhi

 

” Waxaanu mudooyiinkii u dambeeyey safar shaqo ku joognaa dalalka Kenya iyo Rwanda, halkaas oo aan dedaal ugu jirno sidii ay xirfad iyo xidhiidh wadaag u wada yeelan lahayeen machadka tababarka shaqaalaha dawlada Somaliland “CSI” , machadyada Kenya School of Government “KSG” iyo Rwanda Management Institute “RMI” , iyadoo ay markii hore xidhiidh lahayeen oo keliya machadka shaqaalaha Ethiopia ECSU.

-Talaabadan ayaa shaqaalaha dawlada u horseedi doonta machad tayyo le isla markaana machadka shaqaalaha dawlada u abuuri doonta hal-beeg iyo hiigsi cusub. ka sakow xulashada shaqaalaha, tayeyntooduna waa mudnaanta koobaad ee yoolka u ah hay’adda shaqaalaha dawlada CSC ” ayuu yidhi Gudomiyaha Haaya’dda Shaqaalaha Somaliland Muddane Sharmaake Geele.

Comments are closed